Sign in to follow this  
Deeq A.

“Abwaan Hadraawi Waxa Uu Diiday Inuu Waxeenna Xaaraan Ku Cuno…” Xoghayaha Guud Ee Xisboga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

“Abwaan Hadraawi Allaah ha shaafiyo marka hore, kollayba wixii uu ina gashaday ummad ahaan gudi kari maynee Ilaahay miisaankiisa xasanaadka ha ugu biiriyo. Maskaxdiisa ayuu inta ugu badan inoo tuujiyay, duurka ayuu galay si aan innagu nolol fiican u helno, waxa uu diiday inuu waxeenna xaaraan ku cuno. Abwaan Hadraawi haddii uu ummad kale ka dhalan lahaa waxa uu noqon lahaa kuwa dhigaalkooda aqooneed boqolaal sanno la hadal hayo sida Adam Smith iyo ragga la midka ah.

Runtu waxa ay tahay in uu maanta inagu dhex dayacanyahay oo xukuumaddii daryeeli lahaydna la baafinayo, laakiin waxa aan hubaa in Ilaahay xagiisa wixii uu wanaag ina gashaday aan laga dayici doonin.”

Xoghayaha Waddani Khadar Xuseen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this