Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudo Xileedkii Labada Aqal oo maanta ku eg

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada iyo Senetorada labada Aqal ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ay ku egtahay Afartii Sano ee Xasaaniyada loo sii yay iney Dalka wax ka hogaamiyaan.

Inkastoo Xeer hoosaadku sheegayo iney Xilka sii heynsyaan ilaa lasoo doorto Kooxdii badalilahayd hadana Tani waxay muujineysaa Fashil iyo dib udhac uu Dalku galay.

Laga bilaabo maanta oo ah 27/12/2020 Ha’yada Sharci dejinta Dalku masiibshaqaynayso oo Walhtigii loo igmaday wuu ka dhamaadey, Laaiin si aan loo galin khalkhal Siyaasadeed waysii joogayaan waxayna shaqayn karaan oo qura hadii Xaalad deg deg ah Dalku soo wajaho, Sida Mssiibo dabiici ah iyo Amaan xumo Qaran(National Security).

Hogaamiyayaasha Labadaan Aqal Maxamed Mursal, Gudoomiyaha Baarlamasnka iyo Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Aqalka Sare waxaa maanta laga bilaabo loogu yeerayaa Sii hahye Gudoomiye, Awoodoodiina Way lumiyeen.

Waa markii ugu horaysay oo Dalku uu galo xaalad noocaan ah, in Basrlamaanku uu dhaco iyadoon gacanta lagu heyn Qorshe rasmi ah oo qeexaya in Doorasho la aado.

Puntlandi.com Garowe

The post Mudo Xileedkii Labada Aqal oo maanta ku eg appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this