Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga lagu muransanyahay ee heer Federaal oo shaaciyay Habraacyada doorashada Aqalka sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga lagu muransanyahay ee Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa shaaciyay Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo iyo foomamka ay u baahan yihiin in ay buuxiyaan murashixiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu maanta oo ay tahay 26ka Diseembar, 2020 u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Guddiga

Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare.

“Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah.”

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay markale ugu baaqeen Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada ay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda.

1-42.jpg?resize=834%2C1080&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga lagu muransanyahay ee heer Federaal oo shaaciyay Habraacyada doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this