Deeq A. Posted December 26, 2020 Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “ Qoor Qoor” oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa kulan xog wareysi ah la yeeshay shacabka magaalada,isagoo wax badan ka weydiiyay baahiyaha ay qabaan. Sidoo kale, madaxweyne Qoor Qoor ayaa u kuurgalay dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo hab nololeedka Bulshada Gaalkacyo,wuxuuna dhageystay talooyinka ay soo jeediyeen oo ku aadan horumarinta dadka iyo deegaanka. Madaxweynaha Galmudug ayaa balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono amniga kana shaqeyn doono isdhex galka Bulshada walaalalaha ee wada dega magaaladaas. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites