Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddaharaad looga cabanayo Sicir-bararka iyo diidmada Shiling Soomaaliga oo ka dhacay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
sicir-barar.jpg?resize=720%2C405&ssl=1

Muddaharaad xooggan, oo looga cabanayo sicir-bararka iyo diidmada Lacagta Shilinga Soomaaliga ah, ayaa maanta oo Sabtiya ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dadka muddaharaadka samaynaya, oo dalbanaya in dowladdu wax ka qabato sicir-bararka iyo diidmada Shiling Soomaaliga, ayaa socod ku soo maray laamiga dheer iyo waddooyinka Garoowe.

Sidoo kale, waxa maanta xiran dhammaan Goobaha Ganacsiga iyo Suuqyada kala duwan ee Garoowe, kadib markii Ganacsatadu diideen socod-siinta iyo Qaadashada Lacagta Shiling Soomaaliga ah.

Ganacsatadu waxay sheegeen in dowladdu aysan ogolayn in ay Canshuurta ku qaaddo Shiling Soomaali, sidaas darteedna Lacagta Soomaaligu ka socon la’dahay dhinaca dowladda.

Jaah-wareerka taagan, wuxu saamayn ba’an ku yeeshay Nolosha danyarta isticmaala Lacagta Shiling-ka, kuwaas oo aan haysan Dollar ay wax ku iibsadaan, kadib markii Shiling-ka laga diiday Suuqyada Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Muddaharaad looga cabanayo Sicir-bararka iyo diidmada Shiling Soomaaliga oo ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this