Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-Xasaasiya:Sirro ku saabsan Siday Dhakhaatiirta Itoobiya uga baxsadeen Dagaalkii Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay dhakhaatiirta Itoobiya uga baxsadeen dagaalkii Tigray

An Ethiopian doctor treating refugees from Tigray in Sudan
Dhaqaatiirta Itoobiya waxay ka shaqeynayaan xeryaha qaxootiga ay ku jiraan Tigreega ee Sudan

Dhaqtar Itoobiyaan ah ayaa BBC-da uga warramay dhacdadii naxdinta lahay ee sida bukaannada isbitaalka loogu guray cagaf cagaf iyo tareellayaal, iyo sida uu isugu qariyay geedaha, kaddib markii bishii la soo dhaafay uu dagaal ka qarxay gobolka Tigray.

Dr Tewedros Tefera ayaa ka qaxay deegaanka beeraha qaniga ku ah ee Humera markii dambena wuxuu ka qaxay magaalada u dhow ee Adebay, isagoo BBC-da u sheegay inay halis noqotay ku noolaanshaha labada magaalo.

Dhaqtar kale, oo door biday inaan magaciisa la shaacin ayaa ka warramay dhacdo taas la mid ah, isagoo sheegay in haweeney soo gashay safar halis ah ayna dhaawacyo uga yaalleen caloosha uu siiyay gargaar degdeg ah balse ma oga inay badbaadday iyo in kale. Waxay labaduba arkeen dad badan oo rayid ah oo dhimanaya.

Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa 4-tii November amray weerar dhulka iyo cirka ah oo xilka looga tuurayo xisbigii xukumayay gobolka ee (TPLF), kaddib markii ciidamadoodu ay qabsadeen saldhigyo milatari oo federaalku leeyahay.

A donkey and residents on a street in Humera, Ethiopia
Humera waa deegan beeraha caan ku ah wuxuuna u dhow yahay Eritrea

Mr Abiy ayaa sheegay in milatariga Itoobiya aysan dilin hal qof oo rayid ah xilli ay dagaallamayeen iyagoo ku sii jeeday caasimadda gobolka ee Mekelle, oo ay la wareegeen 28-kii November.

Dowladda Eritrea ayaa sidoo kale beenisay ku lug lahaanshaha dagaalka si ay gacan uga geysato in meesha laga saaro TPLF, iyadoo ay TPLF gantaallo ku tureen geyigeeda.

Way adkeyd in xog sax ah laga helo dagaalka sababtoo ah isgaarsiinta gobolka ayaa go`neyd.

Humera – oo ay ku nool yihiin bulsho lagu qiyaaso 30,000 – waxay ka mid ahayd meelihii ugu horreeyay ee uu dagaalku saameeyay iyadoo uu dagaalku halkaasi ka bilowday 8-dii November.

Digniin: Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay dhibsadaan xogta qaarkeed.

Sheekada Dr Tewedros:

Waxaa socotay duqeyn xooggan. Waxaa lagu beegsaday qeyb walba oo ka tirsan Humera – goobaha suuqyada, meelaha kaniisadaha iyo masaajidda iyo xitaa agagaarka isbitaalka.

Maalintii ugu horreysay waxaan xusuustaa in naloo keenay 15 meydadka rayidka iyo 75 dhaawac ah. Duqeyntu waxay socotay ilaa galabtii.

Magaalada waxaa laga soo duqeeyay dhanka bari, oo ay Xoogagga Difaaca Qaranka ee Itoobiya (ENDF) ku sugnaayeen, dhanka waqooyina Eritrea ayaa ka soo duqeysay. Xadka Humera ee Eritrea wuxuu keliya u jiraa 200m [ilaa 650ft] sidaas darteed duqeyntu waxay sidoo kale ka imaaneysay Eritrea.

A member of the Amhara Special Forces in Humera watches on at the border crossing with Eritrea - 22 November 2020
Humera waxay ku taalla xadka Eritrea oo ay goob joogayaashu sheegeen in sioo kale duqeyn ay ka timid

Maalintii xigtay waxay bilaabay aroortii balse waxay joogsatay abbaarihii 11:00. Waxaa naloo keenay siddeed meydad ah, iyo dad kale oo dhaawacan. Waxaan kaddib go`aansannay inaysan halkaasi ammaan inoo ahayn bukaannadeenna iyo annagaba.

Waxaan go`aansannay inaan uska tagno. Waxaan dhaawaceenna ku qaadannay gaari cagaf cagaf ah waxaana aadnay Adebay, oo ilaa 30km [18 meyl] u jira Humera. Halkaasi duqeyn kama socon laakiin dagaalku wuu socday.

Waxaan sii wadnay daweynta dhaawacyada annagoo ku sugan xarunta caafimaadka ee Adebay. Shacab badan ayaa ka imaanayay Humera.

Maalintii koowaad waxaan ka daweyneynay dhaawacyadii ka soo gaaray duqeynta, balse markii ciidamada Itoobiya ay yimaadeen Humera, shacabku waxay imaanayeen iyagoo ay ka muuqdaan calaamado ulo ah iyo dhaawacyo culus oo ka weyn kuwa ay sababto toorreyda.

A mother looking after her daughter who was wounded in shelling on Humera, Ethiopia - 22 November 2020
Haweeney ku sugan Humera oo xannaaneyneysa gabadheeda oo duqeynta ku dhaawacantay

Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Amhara ee dowladda taabacsanaa, oo wata dharka ciidanka iyo “fanos”, oo ah maleeshiyaad aan dhar ciidan wadan ayaa yimid Humera.

Qeybo kala duwan oo ku yaalla galbeedka Tigray, arrimahan soo socda ayaa ka dhacay:

  • Marka hore waxaa jirtay duqeyn
  • Kaddib ciidamada dowladda ayaa yimid
  • Waxaa soo raacay ciidamada gaar ah ee Amxaarada iyo kuwa fanos.

Magaalada Adebay, muddo labo maalmood ah ayaan dhaawaca ku daweyneynay. Dagaalka ayaa kaddib sii xoogeystay, wuxuu xitaa usoo dhowaaday xarunta caafimaadka.

Ethiopian soldiers on the back of a lorry on a road near the city of Humera, Ethiopia - 21 November 2020
Ciidamada Itoobiya, oo lagu arkayay waddooyinka Humera, iyagoo magaalooyinka imaanaya kaddib markii ay duqeymo geysteen

Waxaan go`aansannay inaan bukaannadeenna ku qaadno gaari xamuul ah oo aan geyno qeybaha kale ee Tigray, ee ay weli nabad ka jirtay, halka annaguna aan annagoo lugeyneyna ku cararnay geedaha oo ilaa 250m inoo jirayy.

Labo maalmood ayaan halkaas isku qarineynay. Maalintii saddexaad waxaan go`aansannay inaysan ammaan inoo ahayn sababtoo ah dad badan ayaa la dilayay, rabshad badan ayaa ka socotay Adebay. Waxaan maqli karnay dhawaqa rasaasta, mararka qaarna shanqarta dagaal culus.

Sidaas darteed waxaan go`aansannay inaan lug ku tagno magaalada xadka Sudan ku taalla ee Hamdayet, oo ilaa 50km u jirta halkaan ku sugneyn. Maleeshiyaadka ayaa na soo daba galay, iyagoo soo jiiraya keymaha una soo gudbaya dhanka Webiga Tekeze.

Hadda waxaan ku suganahay xero qaxooti, waxaan daweynayaa bukaannada. Waxaan arkay bukaanno ka socda qeybo kala duwan oo Tigray ku yaalla – oo xitaa fogaan ahaan xadka u jira 300km. Dadku way soo lugeeyeen, waxay soo arkeen rayid badan oo waddada ku dhintay.

Waxaan arkay bukaanno sheegay inay ciidamada Eritrea ku arkeen Tigray kuwaasoo geystay tacaddiyo, iyagoo guryaha gubaya isla markaana baabi`inaya dhul-beereedyo.

Dhammaan arrimahan waxay dhaceen xilli mugdi ah, internet-ka waa la damiyay, bankiyadana waa la xiray. Cidna ma oga waxa xaqiiqdii ka dhacayay gudaha Tigray.

Waxaan ka hadlay runta, oo ku saleysan wixii aan arkay oo aan maqlay. Waxaan rajeynayaa inay dadku soo diri doonaan guddi madax bannaan oo baaritaan sameeya.

Sheekada dhaqtarka magaciisa qariyay:

Labo ilaa saddex maalmood kahor inta aysan duqeyntu ka billaaban Humera, waxaa naloo keenayay dhaawacyada ciidamada federaalka iyo kuwa gobolka iyo sidoo kale shacabka. Dhaawacyadaasi waxay ahaayeen rasaas iyo hubka culus. Balse tiradu aad uma badneyn.

Taasi waxay is beddeshay markay duqeyntu ka timid Eritrea iyo milatariga Itoobiya. Qarax ayaa xitaa ka dhacay bannaanka isbitaalka.

A building damaged by shelling in Humera, Ethiopia - 22 November 2020
Dhismayaasha waxaa saameeyay duqeyn ka dhacday Humera, waxaa ka mid ah hoteelkan iyo maqaayaddan

Dhammaan dhaawacyadeenna waxay markan ahaayeen shacab. Maalintaas qeybta aan joogay, waxaa la keenay ilaa 200 oo dhaawac ah; ku dhowaad 50 ka mid ah waddada ayay ku soo dhinteen. Dhalinyaro ayaa gawaaridooda bajaajta ku keenayay dhaawacyada. Waxaa jirtay gabaabsi dhanka sariiraha ah, bukaannada qaarkoodna waxay seexdeen dhulka isbitaalka qaar kalena bannaanka.

Inta uusan dagaalku bilaaban, waxaa isbitaalka joogtay ilaa 200 oo bukaan oo xanuunno kala duwan qaba. Badankood waxay sariirahooda u daayeen bukaannada waxayna ku caawiyeen inay xannaaneeyaan.

Balse ka dhaqaatiir ahaan ma sameyn karin wax badan oo aan nolosha dadka ku badbaadineyno. Ma oollin dhiig bukaannaduna way badnaayeen. Keliya waxyaabaha muhiimka ah ayaan sameyn karnay. Bukaannada ayaa horteenna ku dhintay. Waxaan shaqeyneynay ilaa 22:00 maalintaas.

Sababo la xiriira inaysan ammaan ahayn, ayay shaqaalaha isbitaalka qaarkood u go`aansadeen inay aadaan Adebay. Kuwo kale waxay go`aansadeen inay joogaan. Aniga waxaan aaday Adebay. Waxaan keennay gaari aan ku qaadno dhaawacyada qaar. Waxaa ku jiray lix sarkaal oo ciidamada Itoobiya ka tirsan.

Subixii, waxaan bilownay inaan ka shaqeyno xarunta caafimaadka Adebay. Waxaa joogtay 10 bukaanno ah oo dhammaantood ka yimid Humera.

Waxaa jirtay hooyo uu wiilkeedu keenay. Dhaawacyo ayaa kaga yaallay ilaa xuddunta hoosteeda. Way dhiig baxaysay. Mindhicirradeedu way soo jeedeen. Wiilkeedu qof adag ayuu ahaa inuu hooyadiis Humera uga keenay mooto. Ma garan karo haddii ay weli nooshahay iyo in kale. Waxaan keliya siin karay gargaarka degdegga ah.

A tuk-tuk in Tigray, Ethiopia - December 2020
Dadka deegaanka qaarkood waxay isticmaalayeen bajaaj si ay dhaawacyada u geeyaan isbitaalka

Waxaan bukaannada ku daryeeleynay isbitaalka muddo saddex maalmood ah. Kaddib milatariga Itoobiya ayaa yimid waxayna qaateen saraakiishii aan daweyneynay.

Milatariga Itoobiya wuxuu sidoo kale markan tooganayay shacabka. Waxaa nalagu qasbay inaan baxno oo aan iskuq arinno meel u dhow Adebay, balse fiidkii ayaan imaan jirnay si aan u daweyno bukaannadii ku sugneyd xarunta caafimaadka.

Maalintii dhanaad waxaan go`aansannay inaysan halkaas ammaan inoo ahayn. Waxaan qallajiyeyaal iyo dawooyin kale oo aan ka keennay Humera uga soo tagnay labo ilaa saddex shaqaale oo ku haray xarunta caafimaadka Adebay.

‘Gacmo go`an’

Dadka qaarkood afar maalmood ayay u lugeynayeen si ay u galaan Sudan, balse nasiib ayaan lahaa maaddaama aan la xiriiray darawal mooto oo aniga iyo xaaskeyga naga gudbiyay xadka. Waxaan Hamdayet ku tagnay hal maalin iyo maalin gelinkeed.

Markii aan halkaas tegay, waxaan arkay nin dhalinyaro ah oo ay ilaa madaxa dhaawacyo uga yaallaan gacantiisuna go`an tahay. Wuxuu ii sheegay inuu ka soo jeedo Mai-Kadra. muddo shan maalmood ah ayaan dawo siinayay.

Ethiopian refugees gathering around someone's phone in Hamdayet, Sudan - 8 December 2020
Qaxootiga Itoobiya ee ku sugan Sudan ayaa u hammuun qaba inay ogaadaan xaaladda ka jirta dalkooda

Dad badan ayaan halkan ku arkay – dhammaantood waa Tigreey – qaba dhaawacyo ka soo gaaray dagaalka iyagoo ku sugnaa Mai-Kadra. Balse waxaan waayay qalab caafimaad oo aan ku daweeyo. [Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ee dowladda xiriirka la leh wuxuu sheegay in ilaa 600 oo qof, oo badankood qowmiyadda Amxaarada ka soo jeeda ay maleeshiyaad taabacsan TPLF ku dileen Mai-Kadra.]

Haatan, waxaan u soo wareegay xarunta qaxootiga ee Um-Rakoba, oo gaariga ka yimaada Hamdayet uu u socdo siddeed saacadood. Halkan dadka Suudaanw axay u yimaadaan daweyn. Badankood waxay qabaan shuban iyo caabuqa xabadka.

Waxaan u sheegnay inaan u adeegi doonno balse way i xanuunjineysaa markaan ka fekero bukaannada dalkeyga ku sugan – qaarkood waxay maalin walba u baahnaayeen hawada oxygen-ka, kuwo kale waxay u baahnaayeen in laga daweeyo dhaawaca rasaasta. Bal qiyaas waxaa looga tegay inay dhintaan.

Eed ayay arrintaasi i dareensiisaa. Waxay iga dhigtaa qof walbahaarsan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this