Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo wariyeyaal ku xiray-xiray BELEDWEYNE + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska magaalada Beledweyne ayaa maanta wariyihii labaad ku xiray gudaha magaaladaasi oo ay weli ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay doorashadii HirShabelle ee dhowaan ka dhacday magaalada Jowhar.

Booliiska Beledweyne ayaa xalay hoteel uu daganaa kala baxay Wariye Cabduqaadir Maxamed Faarax Dulayar oo howlo shaqo u tegay gobolka Hiiraan.

Wariye Dulyar ayaa xarigiisa wuxuu ka dambeeyey, kadib markii uu wareysi ka soo qaaday Janaraal Abuukar Xuud oo hoggaamiyo jabhadda ka soo horjeedo HirShabelle.

Sidoo kale ciidamada ayaa maanta xabsiga dhigay wariye Maxamed Cismaan Makaraan oo sidoo kale ah agaasimaha Idaacadda Hiiraan-Weyn ee magaalada Beledweyne.

Wariyaha ayaa xilliga la xirayey ku sugnaa saldhigga Booliiska magaaladaasi oo uu booqasho ugu tegay wariye Cabduqaadir Dulyar.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta HirShabelle oo ku aadan xarigga loo geystay wariyeyaashaasi.

Bahda saxaafadda iyo ururada u dooda xuquuqda wariyeyaasha ayaa si isku mid ah u cambaareeyey xariga wariyeyaashaan oo ay ku tilmaameen inuu yahay sharci darro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this