Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Xildhibaan Cali Maxamed Oo Kulan Dhiiri Gelin Ah La Qaatay Ciyaartooyda Kooxda Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharrax Xildhibaane Golaha Shacabka Cali Maxamed Maxamuud ayaa kulan dhiiri gelin iyo is barasho la qaatay ciyaartooyda Galmudug ee ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir.

MVI_0110.MP4.00_00_07_11.Still001-1024x5

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Xasan Cabdi Shire ayaa u mahad celiyay musharrax Cali Maxamed booqashada uu ugu yimid kooxda kubbadda Cagta Galmudug,

MVI_0131.MP4.00_00_11_11.Still001-1024x5
“Musharrax Cali Maxamed Maxamuud wuxuu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Galmudug ee soo booqda ciyaartooyda,runtii hadii aanu nahay Wasaradda waan kaga mahad celinaynaa booqashadiisa,waxaan u rajaynaa in uu ku guulaysto hadafkiisa iyo kurisga uu doonayo” ayuu warbaahinta u sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyaradda Galmudug Xusee Cabdi Xasan.

MVI_0133.MP4.00_00_18_10.Still001-1024x5

“Waan ku faraxsanahay in aan idin soo booqdo,runtii waxaad soo bandhigteen ciyaaro qurux badan waxaan idin rajayanaa guul iyo horomar,waxaan isla qaadan doonaan kulamo ka badan kuwa kale” ayuu saxaafada u sheegay Musharrax Xildhibaan Golaha Shacabka Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud.

MVI_0122.MP4.00_00_01_24.Still001-1024x5

Daawo Warbixin Ku Saabsan Booqashada Xildhibaan Cali Ee Kooxda Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this