Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka lagu muransanyahay oo soo saaray jadwalka Doorashada Aqalka sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga lagu muransanyay ee Doorashooyinka heer Federaal, ayaa maanta oo Arbaco ah soo saaray jadwalka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka 2020/2021, ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Tartamayaasha Aqalka sare ay bilaaban doonto 26-ka bishan December 2020.

Sidoo kale, Qoraalka waxa Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada looga codsaday, in ay liiska Tartamayaasha Aqalka sare soo saaraan 29-ka bishaan December 2020.

Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, ayaa loo asteeyay in ay dhacdo inta u dhexaysa 31-ka December 2020  ilaa 6-da January 2021, sida ku cad Qoraalka Guddiga.

2-26.jpg?resize=759%2C1440&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashooyinka lagu muransanyahay oo soo saaray jadwalka Doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this