Sign in to follow this  
Cowke

Refugee Day Commerated In Galkayo/Garowe. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Maalinta Qaxootiga Aduunka Oo Maanta Gaalkacyo Si Weyn Looga Xusay (Sawiro).

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Maanta oo kale sanad kastaa waxaa Aduunka oo dhan laga xusaa Munaasabada maalinta Qaxootiga Aduunka waxaana magaalooyinka dalka Soomaaliya ee laga xusay ka mid ahaa Magaalada Gaalkacyo ee maamulka Gobolka Mudug.

 

Munaasabad si weyn loo soo diyaariyey ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacdey hoteelka Seylaan ee magaalada Gaalkacyo, taasi oo ay soo qaban qaabisey Hay’ada Qaramada Midoboay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, waxana ka soo qeyb galay Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska, Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiisha Hay’ada UNHCR, Barakacayaal iyo dad Qaxooti ah oo ka yimid dhinaca dalka Itoobiya.

 

 

Munaasabada ayaa waxay la heyd noocya badan, waxana intii ay socotay lagu soo bandhigay khudbado ay jeediyeen mas’uuliyiintii ka qeyb gashay iyo suugaan isugu jirta Soomaali iyo Itoobiyaan, taasi oo soo jiidatay dareenka dadkii ka qeyb galay xafladaasi lagu maamuusayey maalinta qaxootiga aduunka.

 

 

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland Murwo Caasho Geelle Diiriye ayaa ka mid ahayd mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabada waxayna sheegtay in Puntland ay diyaar u tahay marti galinta iyo gacan qabashada dadka barakacayaasha ah ee Soomaaliya gudaheeda ku barakacay iyo kuwa Qaxootiga ah ee ka yimid dalalka Soomaaliya la deriska ah, waxayna intaa ku dartey Wasiiradu in haweenka Soomaaliyeed ee barakacayaasha la gargaaro had iyo goor.

 

 

Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Suugaan, iyadoo koox ardey ah oo ka socota Dugsiga Waxbarashada iyo Horumarinta Nabada ee GCPD ay soo bandhigeen heeso Soomaali ah oo ka hadlaya wadaniyada iyo daryeelka dadka barakacayaasha ah, taasi oo qiiro galisay dhamaan ka qeyb galayaasha munaasabada, waxaana suugaanta ay ardeydaasi ku luqeyneysay soo agaasimey Abwaanka weyn ee C/qaadir Cali Cigaal.

 

 

Waa Koox Fanaaniin ah oo ka socota Dugsiga horumarinta nabada iyo waxbarashada ee magalada Gaalkacyo.

 

Dhinaca kale dad ka socda Qawmiyada Oromo ee dalka Itoobiya oo ka mid ah Qaxootiga dul saarka ku ah magaalada Gaalkacyo oo ka qeyb galayey munaasabada maalinta Qaxootiga Aduunka ayaa soo bandhigay ruwaayado, majaajilo iyo heeso kuwaasi oo qosol galiyey dadkii madasha fadhiyey, waxaana dhamaan suugaantaasi ay ku cabirayeen dhibkii iyo qaxarkii ay uga soo carareen dalkooda iyo dheefta ay ku heystaan gobolada Puntland.

 

 

Waa Koox fanaaniin ah oo ka socota qowmiyada Oromo ee dalka Itoobiya.

 

 

Sarkaal ka tirsan xafiiska UNHCR oo munaasabada xiriiriye ka ahaa.

 

 

Ciyaar dhaqmeed ay soo bandhigeen koox fanaaniin ah oo ka soo jeeda qowmiyada Oromo ee Dalka Itoobiya.

 

Waa munaasabadii ugu qaalisaneyd ee nooceeda ah oo laga dhigo magaalada Gaalkacyo, waxana munaasabadihii kuwan ka horeeyay ee lagu maamuusayey maalinta Qaxootiga ay ahaayeen kuwa tayo ahaan ka hooseeyay tan maanta loo qabtey maalinta qaxootiga.

 

RBC Radio.

 

614-300x225.jpg

 

220.jpg

 

83.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Maalinta Qaxootiga aduunka oo laga Xusay Garowe

 

(Garowe) RBC: Waxaa maanta laga xusay Mgaalada Garowe ee caasimada puntland maalinta Qaxootiga aduunka oo loo aqoonsaday 20 juun oo maanta oo kale ah

 

Munaasabad lugu xusayo maalintaa Qaxootiga aduunka oo lugu qabtay xarunta wsaaradda amniga Puntland ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan.iyo saraakiil ka socota Hay,adda UNHCR

 

Xafladaa ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Saalax oo ah Madax Hay,adda UNHCR Gobalk Nugaal waxuuna sheegay in maanta oo kale ay tahay maalinta loo aqoonsaday maalinta qaxootiga aduunka

 

Maxamed Saalax waxa uu intaa ku daray in Qaxootiga ay dhibaatooyin badan ay kala kulamaan aduunka meel kasta oo ay ku nool yihiin waxuuna sheegay in ay dhibootooyinkaa ay yihiin kuwa kala daran oo isku mid ahayn.

 

Hasayeshee dhiibaatooyinkaa ayuu ku sheegay in kuwa ugu daran ay l kulmaan qaxootiga ku nool qaaaradda afrca gaar ahaan Soomaaliya oo dagaalo ka jiraan tan iyo wixii ka danbeeyaya sanadii 1991

 

Munaasabada maanta lugu qabtay xarunta Wsaaradda amniga Puntland ee Garowe waxa ay ku soo aadaysa xili munaasabad tan la mid ah ay ka dhacayaan qayba badan oo ka mid ah calamka

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this