Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: RW Rooble oo boggaadiyey doorashadii gudoomiyaha Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay caleema saarka guddoomiyaha cusub ee degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa tallaabo horey loo qaaday ku tilmaamay in bulshada loo dhaweeyo maamulka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan  in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay. Isagoo tilmaamay in Xukuumaddu ay dhiirrigalineyso in degmooyinka dalka oo dhan ay doortaan maamulkooda.

Eng. Rooble ayaa ku dhiirigeliyey Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug in ay sii dardargeliyaan dadaalladooda ku addan nabadda iyo dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah, una midoobaan la dagaallanka argagixisada iyo in ay isu kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa.

“Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo, Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaa weyna taageereysaa iyo degmooyinka dalka oo dhami doortaan maamulkooda, oo ay lana xisaabtamaan. Tani  waxay tusaale u tahay daadajinta maamulka iyo in dadku iyagu doortaan cidda ay doonayaan”.

Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo dhowaan la dhisay ayaa markii ugu horreysay doortay Duqa magaalada oo ku yimid rabitaanka bulshada, tanoo qeyb ka ah barnaamijka maamul daadajinta ee shacabka loogu dhaweynayo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo socdaal shaqo ku marayay deegaannada Puntland iyo Galmudug muddo 11 casho ah ayaa soo gabagabeeyey, waxaa uuna uga mahadceliyey soo dhaweyntii diirranayd ee uu kala kulmay deegaannadii uu socdaalka ku marayay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

132419884_3733234510068546_3397977161864429797_n (1) 132250801_3733234596735204_2240516682041574485_n 132379177_3733234720068525_9175559347970087600_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this