Deeq A. Posted December 20, 2020 Shir degdeg ah, oo ay leeyihiin Madaxda Urur Goboleedka IGAD, ayaa Galabta ka furmay caasimadda Waddanka Jabuuti Shirka waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, oo ah Guddoomiyaha sannadkan ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD. Cabdalla Xamduuk, ayaa ka hadlay arrimaha horyaalla Urur Goboleedka, oo ay ka mid yihiin Iskaashiga, Abaaraha iyo La-dagaalanka ayaxa. Ka hor intan Shirku furmin, waxaa kulan afar-geesood ah yeeshay Madaxda Itoobiya, Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti. Kulankaas waxaa looga hadlayay xallinta muranka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. Shirka waxa ka maqan oo aan weli tegin Madaxweynaha Yuganda Yoweri Musaveni, kaas oo la sugayo in uu dib kaga biiro Shirka. Arrimaha ugu muhiimsan oo Shirka IGAD loo qabtay waxa kamid ah xallinta muranka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya iyo sidoo kale Xaaladda Gobolka Tigray. PUNTLAND POST The post Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo ka furmay Jabuuti appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites