Sign in to follow this  
Deeq A.

“Daan-daansiga ka socda Muqdisho wixii ka yimaada waxa mas’uuliyaddeeda leh madaxweyne FARMAAJO”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cismaan Xasan Cilimi, oo ah guddoomiyaha xisbiga Kulan, ayaa si adag uga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee maalmihii u dambeeyay taagna iyo tallaabooyinka ay qaaday dowladda federaalka.

Guddoomiye Cismaan ayaa sheegay in daan-daansi cad tahay in iridihii iyo jidadkii musharaxiinta la xiro, isla markaana laga hor istaago inay kulmaan taageerayaashooda.

“In irdihii iyo jidadkii murashaxiinta la xiro, oo loo diido taageeryaasha iyo dadkii u imaan jiray waa daandaansi iyo caburin,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Kulan, Cismaan Xasan Cilmi.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in waxkasta oo ka dhasha daan-daansiga iyo caburinta ka dhanka musharaxiinta mucaaridka uu madaxa u ridan doono madaxweyne Farmaajo oo uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyo.

“Waxa mas’uuliyadeeda qaadaya daan-daansiga ka dhanka ah mucaaridka, madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri.

Maalmihii u dambeeyay waxa sarre u kacday xiisada doorashada ee ka dhex aloosan madaxda dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka, kadib markii ay dowladda qaaday tallaabooyin ka dhan mucaaridka.

Waxa kale oo xusid mudan in ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsugida ay dhowr habeen ka hor ay is hortaag ku sameeyen munaasibad taageero loogu muujinayay musharax madaxweyne Mustafa Dhuxulow oo ka qabsoomeysay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, is-diidooyinka siyaasadeed ee labada dhinac ayaa xiisad hor leh ka abuuray caasimada, xili uusan si rasmi ah u fulin habraacyada doorashada soo socota oo muddo kooban inaga xigto.

The post "Daan-daansiga ka socda Muqdisho wixii ka yimaada waxa mas'uuliyaddeeda leh madaxweyne FARMAAJO" first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this