Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dowladda Soomaaliya oo ciidan boqolaal ah ku dhex fasaxday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 8 kamid ah dhalinyaro dhowaan tababar usoo dhamaaday oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in la fasaxay laguna wargeliyay in ay diyaar ahaadaan xiligii loo baahdo.

Dhalinyaradaan ayaa qofkiiba la siiyay lacag dhan $500, waxaana laga reebay hubkii iyagoo loo sheegay in ay magaalada galaan, islamarkaana qofna uusan ka bixin Muqdisho, markii loo wacana ay diyaar ahaadaan.

“Numberkayga, midka waalidkeey iyo xaafadda aan daganahay ayaa layga soo qoray, lacag shan boqolna waa lay siiyay, waxaana laygu amray in aanan ka bixin Muqdisho, Numberkayga uusan marna damin, markii loo wacana tago halkii loogu ballamiyo, saacad kasta diyaar ahaaw ayaa nala dhahay,” ayuu yiri mid ka mid ah ciidankaas oo aan la hadalnay.

Lama oga sababta arrintan ka dambeysay hase yeeshee waxaa la filayaa in ay tahay wax la xariira xasilooni darrada iyo cabsida ka jirta Muqdisho ee la xariirta arrimaha doorashada Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in ciidanka loo adeegsado in lagu sii dhex daayo shacabka dhigaya dibad-baxyada ka dhanka ah Farmaajo, si ay ugu hanjabaan una joojiyaan.

Waxaa magaalada hadda ka jirta xiisad siyaasadeed oo laga cabsi qabo inay faraha ka baxdo oo ay horseeddo dagaal, xilli ay dowladda isku dayeyso inay awood ku maquuniso mucaaradka.

The post Xog: Dowladda Soomaaliya oo ciidan boqolaal ah ku dhex fasaxday Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this