Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaallamay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh geystay ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan dagmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana ku dagaalamay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Sida la sheegay dagaalka wuxuu dhexmaray ciidamo militari ah oo dagmada ku sugan iyo ciidamo uu watay Cismaan Xaadoole oo mar soo noqday gudoomiyaha dagmada Balcad iyo sidoo kale sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay joore, wuxuuna dagaalka ka dhacay agagaarka Kawaan Barri ee degmada Kaaraan.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa kala gaaray labadii ciidan ee dagaalamay iyadoo dad goobjoogayaal ah ay Caasimadda Online u sheegeen in dagaalka uu salka ku hayo dhul halkaas ku yaalla oo la isku qabsaday.

Dadka deegaanka waxey sheegeen in muranka dhulka uu maalmahaanba jiray, balse aysan fileyn inuu dagaal ku qabsan doono xaafadooda iyadoo khasaaro dadka shacabka ah kasoo gaaray dagaalkaas uu jiro.

Wali wax war ah kama soo bixin laamaha ammaanka dagmada Kaaraan iyo kan gobolka Banaadir iyadoo dagaalada ciidamada dowladda ka wada tirsan ku dhexmara Muqdisho uu mudooyinkii dambe sii badanayay.

The post Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaallamay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this