Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan caasimadda waddanka Jabuuti, halkaasi oo uu kaga qayb-geli doono shir Madaxeedka IGAD.

Shir Madaxeedka IGAD, waxa looga hadlaya xaaladda Gobolka Tigray, waxaana inta badan lagu faaqidi doona shirka arrimaha ka taagan Itoobiya, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk uu booqasho ku tegay Addis Ababa, halkaasi oo uu Aby Ahmed kaga dhaadhiciyay in Shir deg deg ah la qabto, laguna xaliyo Xaaladda Itoobiya.

Sidoo kale, shirka waxaa looga hadli doona xiisadda ka soo dhex cusboonaatay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana  xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay ashtako u gudbisay IGAD, taasi oo ay Dacwo kaga ahayd Kenya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this