Sign in to follow this  
Deeq A.

“Madaxweynow dalka waa timid, waad uga dartay ee ha uga sii darin” + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)Wasiirkii hore ee warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah musharax madaxweyne oo kamid ah midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa si adag uga hadlay ciidamo ay dowladda ku daadisay aaga mucaaridka iyo jidadka magaalada Muqdisho.

Musharax Daahir ayaa  eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu sheegay in dowladiisu ay caburisay shacabka, iyada oo beegsi gaar ahna ku haysa siyaasiyiinta mucaaradka.

Waxa uu xusay in ujeedka ka dambeeya in dowladda Farmaajo ay waddooyinka xirto tahay sidii dalka ay dalka uga abuuri laheyd qalaalase siyaasadeed iyo degenaansho la’aan, sida uu hadalka u dhiagy

“Magaalada Muqdisho waxa ku cusub dhacdo aad u qalafsan oo waa arrin dowladda Soomaaliya ciidamo jidad ku goyso, iyada oo arrinkaasi uga jeeda qal-qal siyaasadeed iyo daganaansho la’aan ka abuurto dadka nolosha lagu sii dhibay,” ayuu yiri.

“Madaxweynow dalka waad timid, waad uga dartay ee ha uga sii darin markale,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Madaxweyne ma dhihi doontid maalin-kaad xilka ka dagi doontid dalka qalalaaso siyaasadeed kama jiraan, mid amni kama jiro, mucaarado siyaasaded oo dalka igula noolaan waayay oo dibadda jiro ma ay jirto”.

Ugu dambeyntiina waxa uu Taliyeyaasha ciidanka ugu baaqay inaysan u hogaansamin amar kasta oo ka dhan ah xuquuqda shacabka, isagoo carabka ku adkeeyay in “xuquuqda muwaadiniinka oo lagu xad-gudbo ay ka mudan tahay xuquuqda madaxweynaha oo lagu xad-gudbo”.

“Amarka qaldan lama fuliyo ayaan leeyahay taliyeyaasha ciidamada, ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Daahir Maxamuud Geelle wuxuu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay u soo samreen dhibaatooyin kala duwan iyo in la helo dowladnimo.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo lagu soo daadiyey isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda Askar ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Si kastaba, xaaladda Muqdisho ayaa ahed maanta mid kacsan, iyada oo maalin ka hor ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshada watay oo sababay dhimasho & dhaawac, waxaana jira dhaq-dhaqaaqyo is-diidan oo dhinacyada dowladda iyo mucaaridka.

The post "Madaxweynow dalka waa timid, waad uga dartay ee ha uga sii darin" + Video first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this