Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo sheegay in DFS ka baxday wadahadaladii Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Biixi.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka baxday wadahadaladii ay ku soo galeen dalka Jabuuti.

VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa wareysi ay la yeelatay Muuse Biixi, wax ka weydiisay sababta ay u miradhali waayeen wadahaladii ay DFS iyo Somaliland ku soo galeen dalka Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan hadda diyaar u ahayn wadahadal ay lagasho Somaliland.

“Waxaa wadahadalkaas ka baxday qolada Muqdisho, maanta cidda Muqdisho katalisa uma jeedo wadahadal” ayuu yiri Muuse Biixi.

Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo bishii Juun ee sanadkan shir ku yeeshay dalka Jabuuti ayaa isku afgartay dhowr qodob, waxaana guddi 17 xubnood ka kooban oo labada dhinac ah loo xilsaaray in ay sii ambaqaadaan wadahadalada.

Wadahadalada DFS iyo Somaliland ee jabuuti waxaa garwadeen ka ahayd Beesha Caalamka, gaar ahaa dowladda Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Muuse Biixi oo sheegay in DFS ka baxday wadahadaladii Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this