Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka Doorashooyinka Oo Kordhiyay Muddada Diwaangelinta Degmooyinka Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda iyo guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan fursada diwaangelinta codbixiyayaasha Qaranka Somaliland, oo ay maanta tahay maalintii u danbeysay mudadii afarta cisho aheyd ee ay ka socotay gobollada Saaxil iyo Maroodijeex.

Haddaba waxaa subixii hore ee saaka kormeeray goobaha kala duwan ee diwaangelinta codbixiyayaashu ay ka socoto, wefti uu hoggaaminayo, guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac), wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, mudane Maxamed Muuse Diiriye, wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed, guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, iyo duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxaanay sheegeen in si nabadgeliyo ah illaa hadda ay diwaangelinta codbixiyayaasha Qaranku u socoto.

Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee goobtaasi ka hadlay waxaa ay bulshaweynta reer Somaliland, ugu baaqeen in ay kaadhka codbixinta ay qaataan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this