Deeq A. Posted December 16, 2020 Fallaagada Jihaadiga ah ee loo yaqaan Boko Xaraam ayaa sheegatay in ay gobolka Katsina ee waqooyiga Nigeria ka af-duubatay boqollaal wiilal dhallinyaro ah oo dhiganayay dugsiga sare. In ka badan 330 arday oo wiilal ah oo dhiganayay dugsiga sare ee Sayniska ee ay dowladda maamusho, ayaa waxaa habeenkii Jimcaha soo weeraray malleeshiyaad hubeysan, inkastoo qaar badani ay baxsadeen. Afhayeen u hadlay madaxtooyada Nigeria oo lagu magacaabo Garba Shehu ayaa sheegay, in dowladda iyo kooxda wax afduubtay ay ka wada xaajoonayaan sii deynta wiilashan. Weerarka afduubka ardaydan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu ballaarnaa ka dhaca Nigeria, ayaa abuuray walaaca laga qabo awoodda ay wali leeyihiin kooxaha mintidiinta Nigeria. Kooxda Boko Haram ayaa horey u afduubatay arday u badan gabdho, kuwaasi oo qaarkood sanado badan ay haysteen kahor inta aan laga soo bad-baadin gacantooda. PUNTLAND POST The post Boko Xaraam oo af-duubtay in ka badan 330 Arday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites