Jacaylbaro Posted February 7, 2008 Caashaqa loo qabo dhoofka ayaa marba marka ka dambeysa ku soo xoogaysanaya quluubta dad badan. Wuxu si gaar ah fara baas ugu hayaa dhallinyarada iyo haweenka oo aad moodo in inta siidhi loo afuufay la yidhi ka soo dareera dalkiina. Waxa loo xamaan urursanayaa sidii loogu hayaami lahaa Galbeedka Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo meelaha kale ee la sheegay in ay ka jirto nolol ka wanaagsan kana qurux badan nolosha Afrika oo iyada lagaga cabanayo raaxo-yaraan, rafaad badan, iyo waliba rajo-xumo. Boqolaal qof oo koox koox iyo kali kaliba u socda ayaa ku qulqulaya Addis Ababa, Jabuuti, Nairobi, Sanca iyo caasimadaha kale ee loo arko in ay yihiin albaabada laga galo Yurub iyo Ameerika. Beryihii hore dhoofku umuu adkayn sida uu maanta yahay. Ciddii lacag ku filan haysataa inta badan way dhoofi kari jirtay. Mid baasaboor foojari ah iibsada, mid raadsada baasaboorka qof ay isku eg yihiin, mid xigtanimo aan run ahayn lagu kaxeeyo… qofba si buu u bixi jiray. Haseyeeshee hadda hawshu ma yara oo waddamadii loo dhoofayey ayaa iyaguna dhinacooga ku dedaalaya sidii ay isaga xakamayn lahaayeen dadka aan xadka lahayn ee khayraadkooda ku soo qamaamaya. Waxay sameeyeen shuruuc adag oo iska soo daba dhacaysa, waxayna horumariyeen farsamo casri ah oo ay ku qaban karaan baasaboorada iyo dhukumentiyada been-abuurka ah. Cilmiga sayniskuna wuxu u ogolaaday in ay baadhaan hidde-sidayaasha dadka oo ay kala gartaan ciddii wax isu ah iyo ciddii aan wax isu ahayn. Dadkii dhoof-doonka ahaa markii ay dariiqyadii kale isa soo xidheen waxay hindiseen xeelado cusub oo saynis iyo tiknoolaji aanu midkoodna dabar ku noqonayn. Waxay u badheedhaan in ay doonyo dhaako-dhaako ah ama laash daciifa kaga tallaabaan badaha waaweyn ee qaaradaha u dhaxeeya. Inkastoo tahriibku yahay wax aad u halis badan oo naf-biimeyn ah, haddana weli suuqiisu waa xaami. Waxayna dadka dariiqan maraa hal-ku-dhig ka dhigtaan “ama dhoofay ama dhintay”. Haddii aad tahay qof la il daran kalgacaylka dhoofka, isla markaana aanad diyaar u ahayn biimeynta naftaada, waxba niyadda ha iska xumeyn waxa jira dariiq kale oo kuu banaan. Adigoon noloshaada halis galin kharash badanna kaa bixin ayaad heli kartaa Baasaboor Nool oo cagihiisa ku socda oo aad ku tagi karto meel kasta oo aad jeceshahay. Kaliya waxad u baahan tahay in aad ku guuleysato laba arrimood: in aad hesho qof guur-doon ah oo ku nool dalka aad jeceshay iyo in aad hanato qalbigiisa kuna qanciso in aad tahay qofkii ku habboonaa. Waxase suurta-gal ah in qofkaasi dookhaaga noqon waayo, dabeecadaha aad jeceshahay yeelan waayo, da’ ahaan aad kaaga weynaado, hab-dhaqankiisa aad u bogi waydo, xogta lagaaga soo gudbiyaana ku farxad galin waydo. Tashwiishka, walaaca iyo werwerka ay arrimahaasi maskaxdaada ku furayaan waxad kaga gam’i kartaa su’aal kaliya oo aad naftaada waydiiso: horta adigu ma guur-doon baad tahay mise dhoof-doon…? Qore: M M Khayre Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 8, 2008 Mid dhintay maa jiro? Oh, keena cagaarnaa waaye miyaa. Sad. Laakiinse sida laguu soo dhaweynaayo ku dileyso markaa tagtid meelahee joogaan kuwaas buufiska ku dhacay, dhoofdoonka ah. Qisadii igu darnayd waxee ahayd mid ii soo dhiibtay sawiradeeda. Maxaa ku sameynaa ku dhahay. Waxee i tiri ku jawaabtayna iska qaad, meelahaas iyo dalalkaas aad sii mareysid Galbeedka ku naadi, oo ay ula jeeday Londonta aan sii maraaye iyo Kanada aan kusoo noqonaaye. Waxaasaa free advertisement la dhahaa. Tag Nayroobi, tag Dubeey, waa wada saas. Baasaboor shisheeye maxee moodeen in uu qiimo weyn leeyahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites