Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sidee DF ku heshay xogta qorshaha goobaha dibad-baxyadii Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay banaanbax la sheegay in looga soo horjeedo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ka qabsoomay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Goobaha ay banaanbaxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah dagmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Cabdicasiis, iyadoo lasoo wariyay iney banaan baxyadaas ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Khsaraaha ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay si arxan-darro ah u rasaaseeyeen shacab muujinayey aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka iyo ismari waaga ka taagan qabsoomidda doorashooyinka.

Inkasta, oo dad badan ay ka qeyb-galeen dibad-baxyada, haddana waxaa la rumeysan yahay inay intaas kasii badnaan lahaayeen, hase yeeshee banaanbaxyo ka dhici lahaa qaar ka mid ah dagmooyinka kale ee gobolka Banaadir ayaa baaqday.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidamada booliska iyo kuwa nabad-sugidda ay ka war heleen xogta ku saabsan goobaha abaabulka uu ka socdo, taasina ay keentay in ciidamo fara badan halkaas la geeyo, si loo baajiyo dibad-baxyadii degmooyinka qaarn.

Dowladda federaalka ayaa marar badan sidan oo kale ugu guuleysatay inay hesho xogta goobaha dibad-baxyada, ugana hortagtay, ayada oo aysan caddeyn cidda ku dhex jirta abaabulayaasha ee bixisay xogta.

Inkastoo la leeyahay dadka ku qornaa abaabulka banaanbaxyadaas waxey maalmaha soo socda isku dayi doonaan mar kale, hadana dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay mar kale isku dayi doonto inay ka hortagto.

Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaridka ayaa war-murtiyeed kulul kasoo saaray rasaastii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku fureen dadweynihii banaan-baxa ka dhigayey qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa rasaastii ay ciidanka dowladda Federaalka ahi sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaharaadayey magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Musharaxiinta mucaaridka ayaa sidoo kale waxay shacabka ugu baaqeen inay sii wadaan banaan-baxyada ka dhanka ah xukuumadda uu majaraha u hayo Farmaajo, iyagoona balan-qaaday inay qeyb ka noqon doonaan dibad-baxyada soo socda.

The post Xog: Sidee DF ku heshay xogta qorshaha goobaha dibad-baxyadii Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this