Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Kulanka Doha’ oo sare usii qaadaya tuhunadii laga qabay Kheyre iyo Guuleed

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (Caasimada Online) – Warbaahinta Mustaqbal ee Muqdisho, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo, ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynahii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka mid ah midowga musharaxiinta madaxtinimo ee Soomaaliya ay ku kulmeen magaalada Doha.

Mustaqbal Media ayaa sheegtay inay daalacatay faahfaahinta safarka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Khayre, ayna ka ogaatay inuu ku jiray safar Doha ah,

Sida warbixinta lagu sheegay, Kheyre ayaa safar qarsoodi ah ku tagay Ruushka, wuxuuna uga sii gudbay dalka Qatar oo ay kulamo qarsoodi ah ku wada qaateen Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaana kulanka ku wehliyay sida la sheegaay saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Guuleed oo si la mid ah Kheyre, xubin ka ah midowga musharxiinta ayaa isna safar aan la shaacin waxa uu ku tagay Nairobi, kaddibna waxa uu uga gudbay Doha si uu ugu biiro kulamada xasaasiga ah ee ka furmay.

Haddii ay sax yihiin warbixinada Mustaqbal, oo ah warbaahin xogteeda lagu kalsoon yahay, waxay arrintan sare usii qaadeysa tuhun xooggan oo horey loo qabay oo ku saabsan in labadaan musharax aysan ka fogeyn madaxweyne Farmaajo iyo dowladda Qatar iyo Fahad Yaasiin.

Kheyre iyo Guuleed ayaa marar badan warbixino laga faafiyey lagu sheegay inay kala yihiin qorshayaasha B, C ee Qatar iyo Fahad, haddii laga adkaado Farmaajo ama doorashada uu ku haro wareegga koowaad.

Arrintan ayaa xitaa keentay in Guuleed uu bixiyo wareysi aan lagama maarmaan aheyn oo ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya Fahad Yaasiin, wuxuuna sheegay in Fahad “ay yihiin saaxiibo” balse ay siyaasadda ku kala aragti duwan yihiin.

Kheyre marnaba ma beenin xanta laga qabo, waxaana tuhunka laga qabo sii xoojiyey in marar badan oo uu helay fursado uu hadallo ku jeediyey uu marnaba toos u dhalleeceyn madaxweyne Farmaajo si la mid ah musharaxiinta kale.

Caasimada Online oo la xiriirtay labada xafiis ee labada musharax, uma suurta-gelin inay jawaab ka hesho.

The post 'Kulanka Doha' oo sare usii qaadaya tuhunadii laga qabay Kheyre iyo Guuleed first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this