Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka oo Kenya kula kulmaya A/Madoobe & Deni 

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in todobaadka soo socda ay kulan gaar ah magaalada Nairobi ku yeelan doonaan musharraxiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisada badan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in dhinacyadaasi ay si gaar ah uga wada-hadli doonaan dooda ka taagan dhismaha guddiyada doorashada ee 2020/21.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka u dhexeeya xubnaha midowga musharraxiinta, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, kadib ay dhinacyadaasi shir gaar ah la yeelan doonaan xubnaha beesha caalamka, si ay ugu gudbiyaan tabashooda ay qabaan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaan weli soo magacaabin guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleedyadooda, iyaga oo shuruud ku xiray in marka hore la xaliyo khilaafka ka taagan doorashada iyo arrinta ciidanka dowlada ee gobolka Gedo.

Si kastaba kulankan ee ay yeelan doonaan dhinacyadan, islamarkaana ka dhacaya Nairobi ayaa ku soo aadaya, xilli Soomaaliya ay xiriirkii u jartay dowladda Kenya.

The post Mucaaradka oo Kenya kula kulmaya A/Madoobe & Deni  first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this