Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-baxyadii Muqdisho oo madaxweyne Farmaajo ka baajiyey munaasabad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ka baaqday munaasabad la filayay inuu ka qeyb-galo oo ka dhaceysay Tiyaatarka Qaranka, kadib markii ay magaalada Muqdisho ka bilowdeen banaanbaxyo looga soo horjeedo.

Madaxweynaha oo qorsheynayey in uu ka qeyb-galo munaasibadaasi ayaa ka baaqday xilli ay Ciidanka Madaxtooyada ay xireen illaa Isgoyska Daljirka Dahsoon, si loo sugo amaanka goobtaas, maadama uu qorshuhu ahaa inuu tago madaxweynaha.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururada Haweenka iyo wasaaradda haweenka ayaa lagu taageerayay Qoondada Haweenka ee golayaasha Baarlamaanka, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashooyinka.

Waxa munaasibadaasi ka qeyb galay bedelka madaxweynaha,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo guddoonka golaha shacabka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta ka dhacay dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo uu hogaankeeda hayo madaxweyne Farmaajo.

Dibad-baxyadan oo ay ka qeyb-galeen dadweyne u badan dhalinyaro ayaa saaka ka billowday xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxayna dadweynuhu ku qeylinayey erayo ay ka mid yihiin ‘ha dhoco madaweyne Farmaajo’ waa Kali-taliye iyo erayo kale oo ay ku cabiraan dareenkooda.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saaka aad u kacsaneyd, waana sababta u weyn ee madaxweynaha ugu gooyey munaasibada oo taageero loogu muujinayay in Haweenka qeyb weyn ka qaatan siyaasada, gaar ahaan Qoondada Haweenka ee golayaasha Baarlamaanka.

The post Dibad-baxyadii Muqdisho oo madaxweyne Farmaajo ka baajiyey munaasabad first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this