Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Khasaare Ka Dhashay Dibad-baxyo Rabshado Watay oo Lagu Diidanaa Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka ka dhacay qebo ka mid ah magaalada Muqdisho dibadbaxyo lagu diidanyahay siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dibadbaxan oo ay soo abaabuleen mucaaradka ayaa la sheegay iney ka dhaceen qeybo badan oo ka tirsan caasimadda.

Weriyeyaasha Goobjoog ayaa soo sheegay in Fagax oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ay isku dhaceen dad dibadbaxayaal ah iyo ciidamada amniga.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha, ugu yaraan 4 qof oo dhimasho ah ayaa la weriyey halka tiro kale ay dhaawacmeen.

Hey’adaha amniga ayaa ka ceyriyey dibadbaxayaasha, laakin weli waxaa socda bannaanbaxyo goosgoos ah iyo diidmo ka dhan ah caburin ay sheegeen shacabka iney la kulmeen.

Waa Qeyb Ka Mid Ah Dibadbaxa

02-569x1024.jpg 04-569x1024.jpg 05-569x1024.jpg 06-569x1024.jpg 07-569x1024.jpg 08-569x1024.jpg 09-569x1024.jpg

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this