Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka DF oo xiray waddooyinka qaar ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Askarta lagu soo daadiyey waddooyinka oo ah kuwa Booliis ah ayaa gaadiidika ka celinaya waddooyinka qaar ee caasimadda, kuwaas oo muhiim u ah dadweynaha.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo badan oo ka mid ah waddada Maka Al-Mukarrama, jidadka soo gala degmooyinka Xamarjajab, Waabari iyo isgoyska Jubba.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha loo xiray waddooyinka, waxaana wararka qar ay sheegayaan in loo hakiyey dhaq-dhaqaaqooda cabsi laga qabo banaan-baxyo la sheegay in la qorsheeyey inay maanta ka dhacaaan gudaha magaalada Muqdisho, halka kuwwa kalena ay ku warramayaan in loo xiray waddooyinkaasi munaasabad uu ka qeyb-galayo madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacayeysa xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana la’isku diyaarinayo qabsoomida doorashada soo socoda ee 2020/21-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this