Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qoor Qoor oo cabsi xoogan ay soo wajahday – Maxaa ka socda Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa waxa soo food saartay cabsi xoogan oo ku aadan in xubnaha mucaaridku ay qaadaan tallaabo ka dhan ah, sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xog-ogaal ah.

Qoor-Qoor ayaa ka wal-walsan in xildhibaan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug loo soo dhex-maro, kuwaasi oo muddooyinkii dambe kulamo kala duwan la qaadanayay siyaasiyiin miisaan culus, oo uu ku jiray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo sidoo kale ah musharax madaxweyne.

Mucaaridka ayaa dhawaan si adag uga hor-yimid guddiyada doorashooyinka oo uu xubno kamid ah soo magacaabay madaxweyne Qoor-Qoor oo la sheego inuu gacan saar hoose la leeyahay madaxda sarre ee dowladda federaalka, xubnahaasi oo ay la xiriiriyeen inay ku jiraan saraakiil ka tirsan NISA iyo Villa Somalia.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale waxay habeen hore kulan casho sharaf ah la qaateen madaxweyne Farmaajo oo isagu dareensan culeyska ay mucaaridku saarayaan, oo meesha ka saari kara madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanada kula dar-daarmay inay ilaaliyaan wada-jirka umadda Galmudug, isla markaana ay sii laba jibaaraan waajibaadkooda shaqo, si Galmudug ay u gaarto horumar.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay musharaxiinta mucaaridka oo iyagu ku gacan seyray hanaanka ay dowladda u wado arrimaha doorashooyinka.

The post Xog: Qoor Qoor oo cabsi xoogan ay soo wajahday - Maxaa ka socda Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this