Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Farmaajo oo casho sharaf u sameeyey xildhibaanada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf ku maamuusay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Casho sharaftan oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

131503562_3609696192448166_2037972870062432313_o 130907677_3609696819114770_4608317861678424856_o 131016012_3609696412448144_5724158760174737647_o 131046619_3609696649114787_3122223180834127076_o 131052817_3609696532448132_6037504990452785794_o 131064733_3609696632448122_1617849608413723386_o 131317774_3609696549114797_4610682984340742549_o 131381994_3609696672448118_4759469216657094897_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this