Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxda Koonfur Galbeed oo Kheyre u diiday inuu tago Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu dhowaan ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Sababta uu Kheyre safarkaasi uga baaqday ayaa lagu sheegay kadib markii ay isku khilaafeen madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya imaanshihiisa Baydhaba, oo toddobaadyo ka hor ku beegneyd.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Lafta-gareen iyo Danjire Cali Saciid Fiqi oo ah guddoomiyaha baarlamanka ay isku fahmi waayeen in Xasan Cali Kheyre tago Baydhabo, waxaana diidanaa guddoomiyaha baarlamanka maamulkaas.

Si rasmi ah looma oga sababta uu guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed u diiday safarka Kheyre, hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in arrintaan ay la xariirta dalabka Villa Somalia oo cabsi ka qabta in Kheyre ay is arkaan odayaasha dhaqanka ee degaanka.

Xasan Cali Kheyre oo ah musharax Madaxweyne iyo dadka la shaqeeya kama aysan hadlin arrintan, waxayna ka gaabsadeen in ay xaqiijiyaan ama beeniyaan kadib markii aan la xariiro la sameynay xubno ka mid ah mas’uuliyiinta la shaqeeya Kheyre.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed SoomaaliyaCali Saciid Fiqi ayaa la sheegaa inuu yahay saaxiib dhow oo ku xiran Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halka Cabdicasiis Lafta-gareen uu u dhowyahay Xasan Cali Kheyre oo uu ka tirsanaa xukuumadiisa.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Kheyre laga yaabay inuu odayaasha Koonfur Galbeed kala hadlo kiiska Mukhtaar Roobow, kana raali-geliyo wixii kaga aadanaa dhankiisa, taasi oo sida la sheegay aysan dooneyn Villa Somalia, si arrintaas aanay dib ugu soo noolaan.

The post Xog: Madaxda Koonfur Galbeed oo Kheyre u diiday inuu tago Baydhaba first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this