Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur Goboleedka IGAD oo shir ka yeelanaya dacwad Soomaaliya ka gudbisay dowladda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in ay dacwad ka gudbisay dowladda Kenya, kadib markii ay fara-gelin ku samaysay Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Dacwadda loo gudbiyay Shir-guddoonka Urur Goboleedka IGAD, ahna Ra’iisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay, in Madaxda dowladaha Urur Goboleedka IGAD ay shir ka yeelan doonaan Dacwadda Soomaaliya u gudbisay ee ka dhanka ah Kenya, taasi oo ku saabsan fara-gelinta Arrimaha Gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxay sheegtay in Shirka Madaxda IGAD ee ku saabsan xal u helidda Muranka Kenya iyo Soomaaliya uu 20-ka bishan December ka qabsoomi doona waddanka Jabuuti.

PUNTLAND POST

The post Urur Goboleedka IGAD oo shir ka yeelanaya dacwad Soomaaliya ka gudbisay dowladda Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this