Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo isku dayaya inuu boobsiiyo doorashada Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa iney horay ugu socoto qabashada doorashada guud ee dalka, iyadoo guddiyada ay magacowday uu muran weyn ka taagan yahay, islamarkaana ay ku gacan seereen saamileyda siyaasadda dalka.

Waxaa jira qaar ka mid ah dowlad goboleedyada oo taageersan qorshaha dowladda, waxaana hadda soo shaac baxday in mid ka mid ah maamul goboleedyada uu wado qorshe uu ku boobsiinayo qabashada doorashada Aqalka Sare, taasi oo kasii dari karta xiisadda siyaasadeed.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maamul goboleedka Koonfur Galbeed uu wado qorshe ay ku dar-dargalinayaan doorashada xubnaha ay aqalka sare ee Baarlamaanka ku leeyahiin, una qabtaan sida ay dowladda rabto.

Maalmo kadib maamulka Koonfur Galbeed waxey u dabaal dagayaan sanad guuradii labaad ee markii la doortay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), taasoo ku beegan 19-ka December, waxaana u xigi doonta doorashada aqalka sare oo ay qaban doonaan, sida aan xogta ku helnay

Maamulka Koonfur Galbeed waa kan kaliya ee si cad u taageeray guddiyada ay dowladda magacowday, waxeyna sidoo kale noqon karaan maamulka qura ee ku shaqeeya nidaam aan wali la isku raacin hadii ay qabtaan doroashada sida xogta ay sheegeyso.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa kursiga uu ku fadhiyo waxaa ku daatay dhiig badan, ayada oo dowladda bishii December 2018 magaaladaas ku laysay shacab badan si Lafta-gareen looga dhigo madaxwene.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaan wali gudbin guddiyadooda doorashada iyadoo ay jiraan arrimo badan oo muran leh, waxaa sidoo kale cago jiid uu ka muuqdaa Galmudug iyo HirShabeelle.

The post Xog: Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo isku dayaya inuu boobsiiyo doorashada Aqalka Sare first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this