Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa gobolka Shabeelaha hoose ku dilay ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa ka mid ah saraakiil sar sare oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, sida lagu shaaciyey qoraalka.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Danab waxay si gaar ah uga sameeyeen degmada Sablaale ee gobolka Sh/Hoose, iyaga oo ku bur buriyey xaruntii Jabhadaha ee Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha Danab ayaa ayaa shaaciyey magacyada xubnaha lagu dilay howl-galka, waxayna kala yihiin Suleymaan Abuu Maxfuud oo u dhashay Tanzania, Abuu Yaasir Yaxiid oo heesta dhalashada Suuriya & Xasan Maxamed Cismaan oo Soomaali ah.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this