Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Shabaab oo ‘gudaha u galay’ Kenya & wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)  – Dowladda Kenya ayaa soo saartay digniin cusub oo la xiriirta weeraro hor leh oo ay kooxda Al-Shabaab ka geysan karto gudaha dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay saacadihii la soo dhaafay gudaha u galeen dalkaasi, si ay weeraro uga geystaan deegaanada ku yaalla xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale saraakiisha Booliiska ayaa intaasi ku daray 40 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayaan inay bartilmaameedsadaan deegaanada Amuma, Hamey iyo is-maamulka Garissa ee gobolka waqooyiga bari ee dalka Kenya.

Waraka ka soo baxay Booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay inay suuragal tahay in deegaanada kale ee aan helin digniinta lagu bartilmaameedsado saraakiisha dowladda.

Ugu dambeyn Booliiska Kenya ayaa ugu baaqay shacabka deegaanadaasi inay muujiyeen feejignaan dheeri ah oo ku aadan ka hortagga weeraradaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gudaha dalka Kenya, waxaana digniintan cusub ay ku soo aadeysaa, xilli saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay baahisay magacyada iyo sawirrada raggii fuliyey weerarkii xooganaa ee sanadkii hore ee 2019-kii lagu qaaday hoteelka DusitD2 ee ku yaalla magaalada Nairobi.

The post Xubno ka tirsan Shabaab oo 'gudaha u galay' Kenya & wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this