Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug: Qarax oo xooggan oo ka dhacay Dowladda Hoose ee Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax xooggan, ayaa saaka oo Axad ah ka dhacay afaafka hore ee xarunta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo qaybta Galmudug, halkaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Jugta Qaraxa ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaana wararku sheegayaan in Qaraxaas lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, inkastoo aan weli faahfaahin ka soo bixin khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale, waxan weli caddayn cidda Qaraxa fulisay iyo Qaabka loo fuliyay, waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan oo la xiriira xaaladda ka jirta Goobta Qaraxu ka dhacay.

Wixii faahfaahin ah kala soco Puntlandpost.net

The post Galmudug: Qarax oo xooggan oo ka dhacay Dowladda Hoose ee Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this