Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Villa Somalia oo dirtay wafdi xilli ay xal u raadineyso xiisada Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaadday dadaal xoogan oo ay wadday bilihii dhowaa, kaasi oo ay ku dooneyso in lagu xalliyo xiriirka go’ay ee Imaaraadka Carabta, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in dowladda federaalka ay toddobaadkii tegay magaalada Qaahira u dirtay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Khaliif, kaasoo farriin gaar ah ka siday Madaxweyne Farmaajo.

Xogta ayaa sheegeysa in Xasan Khaliif uu madaxda dalkaas u gudbiyey farriin la xiriirta codsi dowladda Soomaaliya ku dooneyso in dib loo billaabo wada-hadallada labada dhinac, si xiriirka labada dal caadi loogu soo celiyo.

Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa xulufo xooggan ku ah gobolka, waxaana Soomaaliya ay rumeysan tahay in Qaahira ay wax ka dhaadhicin karto Abu Dhabi.

Ma cadda sababta ay dowladda Soomaaliya iminka u dooneyso inay la heshiiso Imaaraadka Carabta, oo horey ay uga qaadatay tallaabooyin adag, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in Villa Somalia ay ka walaacsan tahay in Imaaraadka Carabta ay lacag badan ku bixin karaan in la rido Farmaajo, oo isna dib u doorashadiisa ay lacag ku bixineyso Qatar.

Dadka qaar ayaa rumeysan in isku dayga Villa Somalia uu yahay siyaasad caruurnimo, ayna adag tahay in Imaaraadka oo rumeysan in la xumeeyey ay xilli cadaadis uu saaran yahay Villa Somalia ay heshiis ka aqbalaan.

Dhanka kale, safirka wasiiru dowlaha madaxtooyada ku tagay Masar ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah walaac ay madaxtooyada ka qabto Masar iyo saameynta ay ku yeelan karto doorashada Soomaaliya.

Dhowaan ayaa waxaa Qaahira tegay qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha iyo siyaasiyiin ay ku jiraan Xasan Sheekh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Daahir Geelle, Cumar Cabdirashiid iyo kuwa kale.

The post Xog: Villa Somalia oo dirtay wafdi xilli ay xal u raadineyso xiisada Imaaraadka Carabta first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this