Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mas’uuliyiinta Gedo ee ku xiran DF oo lagu amray in aysan ka bixin Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in aysan Muqdisho ka bixi karin guddoomiyaha gobalka Gedo Macalimuu iyo taliyaha xasilinta gobalka Gedo Bakaal Kooke.

Sababta arrintaan ayaa lagu sheegay in khilaaf culus oo ka dhaxeeyo labadooda uu saameeyay gobalka, waxaana jirtay xil ka qaadis dhawaan lagu sameeyay guddoomiyaha taas oo markii dambe laga noqday.

Mas’uuliyiintaan iyo qaar ka mid ah maamullada degmooyinka ayaa ku sugan Muqdisho, waxaana lagu amray in aysan magaalada ka bixi karin illaa xal laga gaaro arrimaha ka taagan gobalka Gedo.

Macalimuu iyo Bashiir Kooke waa labada mas’uul ee uga wakiilka ah dowladda Soomaaliya gobalka Gedo waxeyna qeyb ka yihiin mas’uuliyiinta ku xiran Villa Somalia ee qaabilsan Gedo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid dagan islamarkaana la xaliyay inta ugu badan doodii ka dhaxeysay labada masuul oo isku qabtay arimo siyaasadeed iyo mid maaliyadeed oo gobalka ah.

Maamulka Jubaland ayaa mid sharci-darro ah u arka maamulka gobolka Gedo ee ku xiran dowladda Soomaaliya, waxayna sababta loo dhisay ku sheegeen in lagu carqaladeeyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa marar badan dalbaday in dowladda Soomaaliya ay gacanta gobolka kusoo wareejiso maamulkiisa, islamarkaana ciidamada uu ugu yeeray “jabhadda” ay halkaasi ka saarto, haddii aanay taas dhicinna aysan Jubaland ka qeyb gali doonin doorashada federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeedana u aragto maamulka Axmed Madoobe “mid sharci darro ah oo ku xiran dowladda Kenya, oo u adeegsaneysa in lagu carqaladeeyo doorashooyinka dalka.”

The post Xog: Mas'uuliyiinta Gedo ee ku xiran DF oo lagu amray in aysan ka bixin Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this