Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xildhibaanada Mudullood ee BF oo ku wajahan Jowhar iyo qorshaha socdaalkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada ka soo jeeda beesha Mudullood islamarkaana ku jira labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmaha soo socdo ku wajahan magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in wafdigaan ay la soo kulmi doonaan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, waxayna kala hadli doonan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Xubnahaan ayaa ka socdo musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna Madaxweyne Guudlaawe cadaadis ku saari doonaan inuu beddalo xubnaha guddiga doorashada ee heer Dowlad Gobaleed.

Mudullood ayaa ka mid ah dhinacyo badan oo aad u diidan guddiyada doorashada Soomaaliya iyo sida ay hada doorashada u maamuleyso Villa Somalia.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo markii hore wajahayay culeysyo kaga yimid beesha Xawaadle ayaa u muuqdo in uu soo food-saaray culeys kale oo ah beesha Mudullood.

Safarkan ayaa imanaya ayada oo dayaasha dhaqanka Mudullood iyo siyaasiinta beeshaas ay dhowaan usoo jeediyeen Guudlaawe inuu kala diro guddigii uu magacaabay madaxweynihii ka horeeyay ee Maxamed Cabdi Waare, guddigaas oo ah heer dowlad federaal.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in siyaasiinta Mudullood ay Madaxweyne Cali Guudlaawe ugu digeen in haddii aanu sidaas sameyn ay culeys saari doonaa si la mid ah beesha Xawaadle.

The post Xog: Xildhibaanada Mudullood ee BF oo ku wajahan Jowhar iyo qorshaha socdaalkooda first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this