Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka oo Gudagalay Meelmarinta Miisaaniyadda 2021-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta waxaa ay ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa uu  yahay Akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda federaalka sanadka soo aadan  ee 2021-ka iyo Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.

Xildhibaannada ayaana lagu wadaa inta uusan waqtiga ka dhicin in ay meel mariyaan miisaaniyadda dalka ka hor doorashada oo dhowaan dalka uu aadayo ee Baarlamaanka labadiisa gole iyo madaxweynaha oo dhacaya 2021-ka.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this