Sign in to follow this  
Deeq A.

Goodax Barre oo arrin yaab leh u soo jeediyey reer Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre oo ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa markale si adag uga hadlay xaaladda maamulka HirShabelle, kadib doorashadii dhowaan lagu qabtay gudaha magaalada Jowhar.

Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in u jeedada laga lahaa doorashadii HirShabelle ay aheyd in lagu boobo kuraasta baarlamaanka federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in reer Hiiraan aysan marnaba raalli ka noqon doonin arrintaasi, isagoona dhismaha HirShabelle ku tilmaamay mid iska fowdo ah

“Waa xaqiiqo inay jirto dhibaato weyn oo aan sahlaneyn reer hiiraan waxay arkayaan in meesha fowdo ay tahay, dowladnimo aysan ka jirin wax lakala boobayo, horta sabab dad wax boobayo loo sii  hordhaco wax ha boobina loo dhaho ma jirto, ”ayuu yiri Goodax Barre.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa sidoo kale soo jeediyey in reer Hiiraan ay dhistaan maamul gooni ah, sababtana wuxuu ku sheegay in aysan ka sii mid ahaan karin HirShabelle.

”Reer Hiiraan waxaan u wanaagsan in ay gooni-isu-taag qaataan, waa tan ugu wanaagsan arintaa, maxaa yeelay waxaa muuqata in gobolku uusan ka sii mid ahaan karin maamulkan Hirshabeelle oo sharci darro ku dhisan,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo khilaaf xoog leh oo ka dhashay doorashadii HirShabelle, uu weli ka taagan yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

The post Goodax Barre oo arrin yaab leh u soo jeediyey reer Hiiraan first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this