Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo laga helay weerar ay askarta TPLF ku qaadeen ciidamada Abiy

Recommended Posts

Deeq A.   

Addisa Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada daacada u ah maamulka TPLF ayaa kal hore weerar xoogan ku qaaday xeryo ciidamada millateriga ay ku lahaayeen waqooyiga Itoobiya, iyada oo xiligaasi faah-faahin badan laga hayn weerarkaasi, ayaa waxa dhawaan ka warbixiyey ciidamo ka tirsan askarta Itoobiya oo ku jiray xeryaha la weeraray.

Labo ka tirsan askarta Itoobiya oo wareysi dheer siiyey idaacada BBC-da laanteeda Oromo-da ayaa ka warbixiyey qaabkii uu u dhacay weerarkaas, kaasi oo uu Abiy Axmed qiil uga dhigtay howl-galka millateri ee uu ku qaaday TPLF.

Waxay sheegen in weerar culus oo gaadmo ah ay xeryahoodii ku qaadeen ciidamada TPLF, oo xiligaasi rumeysnaa in ciidamada millaterigu ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah, kadib markii ay kasii dartay xiisada kala dhaxeysay Abiy Axmed.

“Waxaan ku sugnaa xero u dhow magaalada Adigrat, oo ku taalla xadka Eritrea. Abbaarihii 23.30, 3-dii November, aniga, iyo ciidamo kale, ayaa waxaan farriimo qoraaleed ka helnay saaxiibbadeen oo ku sugnaa saldhigga magaalada Agula, oo qiyaastii 30km (18 miles) waqooyi-bari ka xigta caasimadda Tigray ee Mekelle – iyagoo dhahaya: Waa nala hareereeyay. Haddii aad noo imaan kartaan oo aad na badbaadin kartaan, imaada” ayuu yiri Sergeant Bulcha oo ka tirsan ciidamada millateriga Itoobiya.

Inkasta oo xiliga uu weerarkaasi dhacay ay adkeyd in warbixin sax ah laga helo ayaa haddana wareysi ay bixiyeen ciidamada kasoo bad-baaday dagaalkaasi ay banaanka usoo saareysa qaabka uu u dhacay weerarka TPLF ay ku qaaday saldhiga Millateriga ee ku yaala waqooyiga dalkaas.

Sergeant Bulcha ayaa sheegay in weerarka kadib ay dagaalamayeen muddo ku siman 11 saacadood oo xirrira, iyaga oo ugu dambeyntiina isku dhiibay xoogaga TPLF.

Hoos ka aqriso wareysiga Sergeant Bulcha oo dhameystiran iyo qaabka ay wax u dhaceen:

Waxaan ku sugnaa xero u dhow magaalada Adigrat, oo ku taalla xadka Eritrea. Abbaarihii 23.30, 3-dii November, aniga, iyo ciidamo kale, ayaa waxaan farriimo qoraaleed ka helnay saaxiibbadeen oo ku sugnaa saldhigga magaalada Agula, oo qiyaastii 30km (18 miles) waqooyi-bari ka xigta caasimadda Tigray ee Mekelle, iyagoo dhahaya: “Waa nala hareereeyay. Haddii aad noo imaan kartaan oo aad na badbaadin kartaan, imaada.”

Wax yar kaddib, xeradeenna ayaa sidoo kale la hareereeyay, iyadoo boqollaal ciidamada gaarka ah ee TPLF iyo maleeshiyaad ay saldhigyo ka sameysteen bannaanka. Qaar ka mid ah ciidamo ka soo jeeda qowmiyadda Tigreega – oo goor sii horreysay ka tegay xeradeenna – ayaa la socday.

Waxaanu u tagnay korneelkii hayay furaha qolka ay ku jireen hubkeenna. Waxaanu u sheegnay inuu furo.

Wuu diiday, isagoo sheegay inuusan heysan amar ah inuu sidaas sameeyo. Wuxuu ahaa Tigree, waxaana ka shakinnay inuu qeyb ka ahaa qorshaha nalagu soo weeraray.

Qaar ka mid ah ciidamadii isaga la joogay ayaa kula murmay inuu furo qolka keydka; qaar kale ayaa isku dayay inay furaan albaab. Ugu dambeyntii waan helnay hubkeenna. Ciidamada TPLF markan way bilaabeen inay na rasaaseeyaan.

Waxaan aag ka sameysannay gudaha iyo bannaanka xerada, annaga oo dhagaxaan iyo derbiyada ka dhiganeyna gaashaan. Waxay ahayd abbaarihii 01:00 markii uu dagaalku qarxay.

Waxaa annaga iyo iyaga inoo dhaxeysay masaafo aan ka badneyd 50m (164ft), Waxaan dilnay in ka badan 100 ka mid ah. Waxay naga dileen 32. Qeybtii aan ka tirsanaa, hal qof ayaa ka dhintay sagaal kalena way dhaawacmeen.

Inta badan ciidamada naga dhintay waxaa sabab u ahaa ciidamada Tigreega ee u goostay dhanka kale.

Dagaalku wuxuu socday 11 saacadood ilaa duhurkii markaas oo taliyeyaasheenna sare ay nagu amreen inaan joojinno dagaalka, hubkeenna aan ku celinno qolka keydka, isla markaana aan dib ugu laabanno qolalkeenna. Waan aqbalnay.

Wax yar kaddib waxaa yimid duqeydii magaalada. Waxay nagu qalqaaliyeen inaan isa soo dhiibno. Abbaarihii 16:00, waxaa nalagu amray inaan dhammaan wixii ay ciidamadeenna heysteen ku wareejinno xoogagga TPLF. Mar kale, waan aqbalnay.

Kaddib, waxaa naloo sheegay inaan soo urursanno alaabteenna oo aan korno gawaarida xamuulka. Dhaawacyadeenna ayaan hore u qaadannay. Waxaa nalagu qasbay inaan ka tagno meydadka.

Ciidamada TPLF ayaa na geeyay mid ka mid ah saldhigyadooda ku yaalla magaalada Abiy Addi, oo 150km koofur-galbeed ka xigta Adigrat.

Ciidamada dhaawaca ahaa ma helin wax daweyn ah muddadaas oo dhan.

Subax walba waa nala soo wacayay. Waxaan ku qasbaneyn inaan sheegno magacyadeenna, isirkeenna iyo doorkeenna ciidanka. Waxaan u sheegi jiray magac been ah.

Waxay ahayd sida meel lama degaan ah, aad ayayna u kululeyd. Biyo yar ayaan heysannay oo aan cabno. Subax walba, waxaa nala siin jiray shaah aan sokor lahayn oo lagu shubay koobab caag ah oo dhexda laga jaray. Cuntadeenna maalintii oo dhan waxay ahayd labo rooti oo yaryar.

Ciidamada saldhigyada kale ayaa sidoo kale la keenay Abiy Addi. Waxay noo sheegeen in sidoo kale la soo weeraray. Qaarkood ayaa is dhiibay iyaga oo aan dagaal gelin; qaar kale ayaa iska caabbin ka xooggan teenna muujiyay, iyaga oo afar maalmood dagaallamayay.

Qoryaha Kalashnikov, hub culus iyo xitaa gantaallada meel dhow wax ka toogta ayaa loo adeegsaday dagaalka. Qaar ka mid ah ciidamadeenna waxay u qaxeen Eritrea.

Kaddib labo toddobaad, xoogagga TPLF ayaa na siiyay saddex ikhtiyaar; inaan ku biirno, inaan Tigray ugu noolaanno sida dad rayid ah amaba aan guryaheenna dib ugu laabanno. Tan ugu dambeysay ayaan qaddanay.

Balse taliyeyaasheenna sare, kuwa farsamada, haweenka ciidamada ah iyo kuwa adeegsan kara hubka culus lama siin wax ikhtiyaar ah. Ayagoo kumannaan ah ayaa lagu hayay Abiy Addi.

Inteenna kale, waxaa naloo sheegay inaan iska bixinno dharka ciidanka. Waan diidnay, annagoo u sheegnay inay na dili karaan balse aanan taas sameyneynin, isla markaana uusan noo oggoleyn sharciga milatariga; iyo in dharkeenna uu yahay sumcaddeenna.

Ugu dambeyn heshiis ayaan gaarnay. Inaan iska bixinno dhammaan dharkeenna, kaddibna la gubo [si aysan kuwa kale u isticmaalin]. Ciidamada TPLF ayaa muuqaal ka duubay gubitaanka dharka ciidanka.

Waxay qaateen dhammaan qalabkeenna – faraantiyo, saacado, lacag.

Waxay ahayd abbaarihii 15:00 maalin Jimco ah oo naloo diyaariyay in nalagu guro gaari xamuul ah. Mar kale, dhaawacyadeenna hore ayaan u sii qaadannay, balse midkoodna kuma jirin gaarigii aan la socday.

Ilaa 500 oo naga mid ah ayaa ku jirtay gaari walba, waxaana dhihi karaa waxaan guud ahaan ahayn ilaa 9,000 oo ciidan ah. Waxaan gaariga ku fadhinnay si ciriir ah ilaa aan ka baxno Abiy Addi abbaarihii 23:00.

Waxaan waddada ku safreynay muddo saacado ah ilaa ciidamada gaarka ah ee TPLF, ee la socday gawaarideenna ay nagu daadiyeen qararka Webiga Tekeze oo ku yaalla xadka u dhaxeeya gobollada Tigray iyo Amhara.

Gawaaridu waxay yimaadeen waqtiyo kala duwan. Dhammaanteen koox koox ayaan isku qeybinnay, doon ayaana uga gudubnay webiga. Lix saacadood ayay nagu qaadatay inaan webiga dhanka kale uga gudubno.

Waxaan kaddib lugeynay ilaa 16 saacadood si aan u gaarno magaalada Sekota ee gobolka Amhara.

Waxaan hadda ku sugan nahay xarun booliis oo magaalada ku taalla. Si wanaagsan ayaa naloo quudiyay aadna waa naloo daryeelay. Dadka dhaawaca ah waxaa lagula tacaalayaa isbitaalka, in ka badan saddex toddobaad kaddib weerarka.

The post Xog cusub oo laga helay weerar ay askarta TPLF ku qaadeen ciidamada Abiy first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this