Sign in to follow this  
Deeq A.

Giriiga oo Turkiga ku eedeeyay inuu fududeeyo,Dhiirigeliyana Tahriibka Somalida ku sii Qulqulaya Yurub+Cida Xogta Bixisay  

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Turkiga oo lagu eedeeyay inay fududeyso,Dhiirigelisana Tahriibka Somalida ku sii jeeda+Cida Xogta Bixisay

 tahriib.jpg

Dowladda Greek ayaa Turkey ku eedeysay inay dhiiri-geliso tahriibka Soomaalida, ayada oo sameyneysa olole sare loogu qaadayo, islamarkaana dadka Soomaalida siineysa Visa, kadibna u ogolaata muhaajiriinta inay usii gudbaan Greece.

“Dalka Soomaaliya, waxaan fahamsanahay in mas’uuliyiinta Turkish-ka, wasaaradda waxbarashada, iyo wasaaradaha kale ay dhiiri-gelinayaan in loo tahriibo Turkey,” waxaa sidaas yiri wasiirka socdaalka ee Greece Notis Mitarachi.

Isaga oo soo xiganaya marqaati furayaal la sheegay inay yihiin muhaajiriin Soomaali ah, ayaa Mitarachi waxa uu sheegay in codsiyada dadka lagu fududeeyo xafiis Turkiga ay ku leeyihiin Muqdisho, halkaasi oo ay ka qaataan Visa-ha, oo lagu helo shahaadooyin iyo dokumentiyo ay bixiyaan hay’ado Turkiga ku leeyahay Soomaaliya.

Waxaa ka mid ah isbitaal iyo Jaamacad ku yaalla Muqdisho, sida uu sheegay wasiirka.

“Waxana rumeysanahay in qiyaastii 300 oo qof ay Turkey ku yimaadaan habkan,” ayuu yiri Mitarachi.

“Dadkan waxay si sharci ah u imanayaan Turkiga, ayada oo ujeedkooda uga dambeeya uu yahay inay si sharci darro ah ugu gudbaan Yurub,” ayuu yiri.

“Marka ay Soomaalida yimaadaan Istanbul, waxaa lagu qaadaa baabuur lagu geeyo goobo gaar ah oo ka mid ah magaalada, halkaasi oo ay ku nagaadaan illaa looga sii gudbiyo xeebaha galbeed ee Turkey,” ayuu yiri.

“Waa ay iska caddahay in dadkan aysan halis ku aheyn Turkey, sidaas darteed waa in la siiyaa magan-galyo, haddii ay ku habboon yihiin.”

“Waa arrin walaac leh in Turkey ay u muuqato inay fududeyneyso imaanshaha muhaajiriinta, ayada oo siineysa Visa ay ku safraan,” ayuu yiri Mitarachi.

Xukuumadda Ankara kama jawaabin eedeynta kasoo yeertay Turkey.

Ilo-wareedyo Greece ah ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo ka bad-baaday doon 2-dii December ku qalibantay xeebaha Greece ay bixiyeen xogta uu wasiir Mitarachi u adeegsaday eedeyntiisa ka dhanka ah Turkiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this