Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ghana Oo Dib Loo Doortay Iyo Muran Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ghana)-Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa dib loo doortay isagoo heley 51.59%, sida arbacadii ay shaaciyeen guddiga doorashada, iyadoo dalka ay ka dhaceen rabshado intii lagu jirey doorashada.

Natiijadan ayaa lagu muransan yahay iyadoo shan kamid ah murashaxiinta sheegeen in ay ku guuleyteen doorashada, isniintii shan qof ayaa la dilay markii ay dhaceen rabshado, sida ay booliisku sheegeen.

Ciidanka booliiska waxay sheegeen in 60 dhacdo diiwaan geliyeen intii ay socotay codbixinta doorashada isniintii, madaxweyne Nana Akufo-Addo waxaa la tartamaya 10 murashax oo uu ku jiro madaxweynihii hore John Mahama.

Kor joogtadad madaxa-bannaan ee doorashada ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha, ayagoo qiray in doorashada ay ku dhacday jawi nabad ah oo la jaan qaadaya dalka ugu dimoqraadiyadsan galbeedka Afrika.

Laakiin xiisad ayaa dhalatay markii labada xarun ee madaxweyne hore Mahama iyo Akufo-Addo lagaga dhawaaqay natiijo iska soo hor jeedda.

Waxaa jirey eedeymo ku saabsan in dowladda cadaadis saartay mucaaradda intii ololaha doorashada socdeen, iyadoo adeegsanaysa ciidanka qaranka.

Wasiirka warfaafinta Ghana, Kojo Oppong Nkrumah, oo war fidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in eedeymaha dowladda loo soo jeediyay ay yihiin kuwo been abuur ah.

Akufo-Addo ayaa intii uu ku jirey ololaha doorashada waxaa uu balan qaaday in uu sameyn doono mashaariic ay ku baxayso $17 bln oo dollar, kuwaas oo lagu horumarin doono dhaqaalaha dalka Ghana oo la liicaya sameynta COVID-19.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this