Jabhad Posted March 30, 2006 This is an example of how the media can be a good tool for the betterment of society. Tootoow yesterday Tootoow today Xaggee ayuu ku Dambeeyey Madhoodhow Maarso 27, 2006 Sannadkii 2004 waxaan akhirtayaasha uu soo tebiney arrin ku saabsan dhibaatada haysata mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan magaalada Muqdisho. Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Xasan Abeyle oo ku magac dheer "Madhoodhow". Xasan Abeyle (Madhoodhow) xilligaas waxa uu caan ka ahaa isgoyska Black Sea iyo Al Baraka, isaga oo intaa feera-qaawanaa, oo garaabada jaadka cuni jirey had iyo gooraale, ciidana cantuugi jirey isaga oo marka la weydiiyo sheegan jirey in uu ciida ku qadeeyo , ciida ku quraacdo, hadana ciida ku casheeya, oogadisana ama korkiisana waxa uu marin jirey olyoyada laga daadiyo baabuurta, kuna faani jirey in aan dushiisha la taaban karin. Hadaba waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan, Xagee ayuu ku dambeeyey Madhoodhow. Nasiib wanaag Madhoodhow aad ayuu hadda uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa xilligaas. Sida ka muuqata sawirada hoose. Xasan Abeyle (Madhoodhow) dadka ayuu hadda wacdiyaa.... Xilligaan la joogo Xasan Abeyle waxa uu xirtaa dhar, kumana qubeysto Oolyada, ciidana ma cuno. Waxaa lagu xananeeyey xarunta Sh. Cabdiraxman Macow Xaaji (ahlu kheyr ) oo ah xarun lagu xanaaneeyo dadka wax uga dhimian yihiin "Dhimirka". Arintu si kastaba ha ahaatee waxaad arkeysaa Madhoodhow oo sita magarafoon oo dadka wacdinaya, in kasta oo marka aad aragtid aad dareemeysid in weli wax ku danbeeyaan in kasta oo uusan sidiisii hore eheyn ama aad uga wanaagsan yahay. Xarunta dhimirka waxaa ku jirta 30 qof, halka sadax ka mid ah ay yihiin kuwo xirxiran oo aan lagu dhexdayn Karin bulshada, 27 ka kale ayaa ah dad hada ka soo reynayo sidii hore ay u ahaayeen. Xasan Abeyle waxa uu sanadihii 80-tamaadkii ahaa Askari u shaqeynayay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee qaybta 21-aad, wuxuuna ahaa Cunto Kariye (Cook) u shaqeynayay taliyihii ciidammada qaybtaasi General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, waxa uu ahaa nin aad u fir-fircoonaa, balse dadweynaha deegaanka ayaa si aad ah ula yaabay ninkaasi fir-fircoonidiisa iyo qaabka uu u shaqeeyo, waxayna markiiba u bixiyeen (Madhoodhow). AKhri Halkan.... GUJI... Qore: Muuse Maxamuud Jiisow Somali39@hotmail.com Muqdisho Somalia http://www.somalitalk.com/2006/xamar/27mar046.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted March 31, 2006 Its good to see Madhoodhoow again! When I initially read his story a year or so ago at SomaliTalk, I feared for him rust to death. Whoever helped him out masha'Allah done great job --jazakallaah! am Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted March 31, 2006 Very positive news sxb. Institutions like the one he was admited is needed more than any other institutions sxb. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted March 31, 2006 ^^ 100% agree with you sxb! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 31, 2006 Waa arrin lagu farxo in dad walaalo ah oo Soomaaliyeed ay u gurmadeen walaalkood amaba walaalahood kale oo tabaalaysan. Mahadsanid Abu-Jamal Quote Share this post Link to post Share on other sites