Sign in to follow this  
Deeq A.

Milateriga Soomaaliya oo la sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen Gendershe

Recommended Posts

Deeq A.   

Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka oo Khamiis ah Al-shabaab kala wareegay degaanka Gendershe, oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Ciidamada dowladda, ayaa la sheegay in ay degaankas la wareegeen, iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin, kadib markii Al-shabaab isaga baxeen, ka hor intaan Ciidanku halkaas gaarin.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan, in Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Maxamed Tahliil Geeddi, uu haatan gaaray degaanka Gendershe oo Ciidamadu la wareegeen saaka.

Dhinaca kale, ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degaanka Gendershe, Al-shabaabna weli kama hadlin.

PUNTLAND POST

The post Milateriga Soomaaliya oo la sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen Gendershe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this