Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Militeriga gaarka ah ee DF iyo gaadiid dagaal oo ka degay KISMAAYO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal heyn badan ayaa ka dhashay ciidamo ka tirsan Milateriga sida gaarka u tababaran ee DANAB oo Isniintii gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Ciidamadan oo laga qaaday garoonka Balla-doogle ayaa waxaa ka sii horreeyay gaadiid dagaal oo nuuca culus oo ay dowladda Mareykanka ku taageertay dowladda Soomaaliya.

Si rasmi ah looma oga tirada ciidankaan balse waxaa la sheegayaa in ay yihiin saraakiil horudhac ah islamarkaana ay jiraan ciidan kale oo dhowaan la geyn doono Kismaayo.

“60 Sarkaal oo Kismaayo ka soo baxay markii horaba oo qaatay tababar dheeraad ah ayaa ku celinay isla Kismaayo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

“Gaadiidka aan geynay waa 5 gaari oo ah nuuca dagaalka ee gaashaaman waxayna ka sii horeeyeen saraakiishaan muddo bil ah ayey yaallaan Kismaayo, badda ayaana marsiinay, marka Axaddii Dekadda ayaa ka soo saarnay ee culeys kale ma jiro,” ayuu sarkaalkaan ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya u sheegay Caasimada Online.

Shacabka magaalada Kismaayo iyo in badan oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa aad uga hadlay arrintaan. Kismaayo waxaa ka taagan xiisad muddo soo jirtay oo u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Ciidamada DANAB ayaa si toos ah ugu xiran taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM), waxaana la sheegay inaysan ka amar qaadan taliska militariga Soomaaliya, taasi oo yareyneysa walaaca Jubaland.

The post Xog: Militeriga gaarka ah ee DF iyo gaadiid dagaal oo ka degay KISMAAYO first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this