Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Ganacsatada Boosaaso oo isku-afgartay in dib loo furo Ganacsiga magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   
1-19.jpg?resize=480%2C360&ssl=1

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland iyo guddi ka socday Ganacsatada Boosaaso, oo maanta kulan ku yeeshay Rugta Ganacsiga Boosaaso, ayaa isla go’aamiyay in dib loo furo Ganacsiga magaalada oo maalmo u xirnaa dhibaato ka dhalatay sicir-bararka.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, ayaa Ganacsatada ku qanciyay in ay dib u furan Xarumooda Ganacsi, islamarkaana la socod-siiyo qaadashada Lacagta Shiling Soomaaliga ah, si loo xakameeyo sicir-bararka.

Sidoo kale, waxa dhaqan-gelinta Is-afgaradkaas loo saaray guddi ka kooban Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ganacsatada, kuwaas oo dhammaystiri doona wixii harsan.

Waxaase xusid mudan, in dowladdu aysan waxba ka beddelin go’aankii Madaxweyne Deni uu ku amray in Kastamka iyo Dekedda Boosaaso aan lagu canshuuri Karin Shiling Soomaali, taas oo keentay in Ganacsatadu diidaan Lacagta Soomaaliga.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Ganacsatada Boosaaso oo isku-afgartay in dib loo furo Ganacsiga magaalada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this