Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha Amniga Qardho oo baabi’yay goobo si qarsoodiya loogu gubi jiray Dhuxusha

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhuxul.jpg?resize=744%2C457&ssl=1

Laamaha Amniga magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, ayaa ku guulaystay in ay baabi’iyaan, goobo si qarsoodiya looga sameeyay duleedka Qardho oo lagu gubi jiray Dhuxusha.

Hawlgal qorshaysan oo Laamaha Amnigu ay ka fuliyeen duleedka Qardho, ayay ku baabi’iyeen goobo kala duwan, oo si qarsoodiya oo ay adeegsan jireen kooxaha Dhirta xaalufiya, si ay dhuxul uga shitaan.

Goobaha oo wakhtiga hawlgalka lagu qaaday ay ka maqnaayeen kooxihii samaystay, waxa dhammaantood  dab qabadsiiyay Ciidamada, si aysan mar dambe u isticmaalin kooxaha caadaystay gubista Dhuxusha.

Mas’uuliyiinta degmada Qardho oo Laamaha Amniga ku weheliyay Hawlgalkaas, ayaa wacad ku maray in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto Xaalufinta, gaar ahaanna gubista Dhuxusha.

PUNTLAND POST

The post Laamaha Amniga Qardho oo baabi’yay goobo si qarsoodiya loogu gubi jiray Dhuxusha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this