Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Deni iyo Farmaajo oo ku wada-hadlay teleefoon iyo natiijadii kasoo baxday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo madaxweyne Farmaajo, Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Axmed Madoobe, balse fashil ayuu kusoo dhamaaday kadib wadahadal dhanka taleefoonka ah uu madaxweynaha la yeeshay.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wadahadal toos ah la sameeyay isagoo doonayay in xal loo helo arrimaha lagu muransan yahay ee hareeyay doorashooyinka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Saciid Deni uu kala hadlay madaxweyna Farmaajo arrimaha ku saabsan gobolka Gedo, oo ah arrinta ugu weyn oo uu ka biyo diidsan yahay Axmed Madoobe.

Inkastoo qorshahii Saciid Deni uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan, hadana khudbadii uu ka jeediyay shirkii SPF ee maalmahaan ka socday Muqdisho ayaa iftiimiyay in Deni uu wado qorshe uu doonayo inuu wali heshiis ku dhex dhigo Axmed Madoobe, Farmaajo iyo musharaxiinta madaxweynaha.

Wararka hoose ee laga helayo maamulka Puntland ayaa sheegaya in madaxweyne Saciid Deni uusan xiriirka u jari doonin dowladda dhexe isla markaana uusan xaaladda kasii dari doonin, iyadoo Axmed Qoor-qoor uu muujiyay inuu wali diyaar u yahay in si dhexe lagu xaliyo khilaafyada jira.

Arrimaha uu doonayay Saciid Deni inuu madaxweynaha kala hadlo waa kuwa ku hor gudban qabsoomidda doorashooyinka oo u muuqda kuwa wakhtigooda sii dhaafayo.

Axmed Madoobe wuxuu doonayaa in gobolka Gedo maamulkiisa loo gacan galiyo, isla markaana ciidamada dowladda laga daad-gureeyo si ay doorasho ugu qabtaan, waana arin ay dowladda ka biyo diidsan tahay, halka dowladda ay sidoo kale ku dhagan tahay guddiyada doorashooyinka ay magacaabeen kuwaas oo eedo loo soo jeediyay.

Musharaxiinta mucaaradka waxey qabaan in guddigaas aysan dhex-dhexaad noqon karin maadaama ay yahiin xubno ka tirsan hay’adda nabad sugidda, shaqaalaha xafiiska madaxweynaha iyo taageerayaasha dowladda.

The post Xog: Deni iyo Farmaajo oo ku wada-hadlay teleefoon iyo natiijadii kasoo baxday first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this