Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Siciid Deni oo soo saaray go’aano culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada heerarkeeda kala duwan, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.

Madaxweynaha oo hadal u jeediyay Bulshada ayaa aad u faahfaahiyey arrimaha la xiriira sicirka sarifka , cabashooyinka dowladda soo gaaray iyo go’aamada ay kasoo saartay dowladdu oo waxbadan xaaladda dejiyay.

Wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in Puntland go’aamisay in Bangiga dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo shirkaddaha xawaaladaha la faray inay sameeyaan qeyb sarifta lacagaha.

“Laga billaabo berito Bangiga Dowladda waxaan farayaa inuu Sarifo Doolarka, si dadka Shillin Soomaaliga u haysta uu doolar u siiyo, kuwa Doolarka watana uu Soomaali ugu bedelo.

Bangiyada kale ee gaarka loo leeyahay iyo shirkaddaha xawaaladaha iyagana waxaan faraynaa inay qeyb sarif sidaasi oo kale sameeyaan.

Sicirka sarifka iyo wadashaqeynta Bangiyada waxaa si dhow ula soconaya Hay’addaha ku shaqo leh oo Bangiga Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda u horeeyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ganacsatada iyo bulshada kale ee kulanka ka qeybgalay ayaa aad usoo dhoweeyay go’aanka Madaxweynaha, iyagoo uga mahadceliyay dadaalka dowladdu ku bixisay inay wax ka qabato cabashada la xiriirta sicirka sarifka lacagaha.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada heerarkeeda kala duwan, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

a7fc38c4-da84-4fc6-90cf-537e2eba5499 130601781_1070323960047790_5219894092862110582_n 130604126_1070323826714470_792128658143561451_n 130721566_1070323770047809_2748429664685806906_n 130737803_1070323646714488_3589897307242925391_n 130776763_1070323870047799_4070893978482698153_n 130819291_1070323676714485_5569600730178370901_n 130875010_1070323723381147_3998850219739817525_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this